Danjire Ciid Baddel: Khariidaddan ma qorshihii Meles Zenawi uu ka tagay baa?

Xigashada Sawirka, Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya
Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa maalin ka hor boggeeda internet-ka ku baahisay sawirka khariidadda Afrika oo muujinaya gobolladii Soomaalida ee Talyaanigu gumaysan jiray oo lagu daray Itoobiya.
Khariidaddu waxay muujinaysaa inay Soomaaliya tahay dal ka mid ah Itoobiya, walow ay mar dambe wasaaraddu boggeeda ka saartay sawirka khariidadda.
Danjire Ciid Bedel oo ahaan jiray safiirka Soomaaliya u fadhiya qaramada Midoobay oo BBC wareysi gaar ah siiyey ayaa ka hadlay waxa lagu micneyn karo tallaabbada wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.
"Waxaa baciid ah in Khariidad dal dhan oo jira oo madax bannaan iney Itoobiya kala qaybiso oo qaybna ay iyadu ku darsato qaybna ay tirahdo waa gooni sida Somaliland, Jabuuti iyo Eretriya iyo in si cad ay Map-kii wasaaradda arrimaha dibadda boggeeda rasmiga ah lagu dajiyo ayaa baciid ah," ayuu yiri Danjire Ciid Baddel.
"Siyaasaddan waa siyaasad ka horeysay Dr Abiy Axmed, siyaasaddan waxaa dajiyey, inagii dibloomaasiyadda ku jirnayna aan xog ogaal u ahayn, waxaa dajisay dowladdi Meles Zenawi markay dalka qabsatay," ayuu hadalka ku daray safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Qaramada Midoobeey.

Xigashada Sawirka, Google
"Marka arrinta waa aragti siyaasadeed oo uu dajiyey in mudda ahna uu ku taamayey ra'isal wasaarihi Itoobiya ee Geeriyooday Meles Zenawi isaga ayaana siyaasaddan aabba u ahaa" ayuu yiri Danjire Ciid.
Itoobiya oo ka jawaabtay
Mas'uuliyiinta Dowladda Itoobiya ayaa war kooban oo ay soo saareen ku sheegay inay ka xun yihiin sawir muran xoog leh dhaliyay oo lagu daabacay bogga internet-ka ay ku leedahay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Addis Ababa.

Xigashada Sawirka, The Ministry of Foreign Affairs of Ethiopia
Qoraalka oo la soo dhigay isla Website-ka sawirka lagu daabacay ayaa la yidhi: "Waxaan fahannay in sawir khaldan oo aan la aqbali karin oo muujinaya Khariidadda Afrika uu si kadis ah kusoo galay bogga internet-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Federaalka ee Itoobiya. Isla markii aan arrinta ka war helnay, si deg deg ah ayaan sawirkaas uga bixinnay Website-ka. Fadlan xaqiiq u haya in kooxdeena dhinaca ICT-ga ay ka shaqeynayaan hubinta ammaanka Website-ka. Waxaan si kal iyo laab ah uga qoomameyneynaa jah wareer kasta oo ay suurta gal tahay in uu sababay iyo isfaham darro ka dhalatay dhacdadaan".
Qoraalkan ayaa u muuqday mid ay dowladda Itoobiya ku sheegeyso inay ka xuntahay dhacdadaas, balse ma aha mid lagu xusay raalli galin rasmi ah.
Sidoo kale laguma xusin macluumaadka dhabta ah ee laga dheehanayay sawirka, arrintaasoo ahayd tii carada dhalisay, lamana soo hadal qaadin in Khariidadda ay muujineysay Itoobiya iyo Soomaaliya oo la isku daray, lagana dhigay Itoobiya oo kaliya.
Sahacbka Soomaalida sida ay uga falcelisay

Xigashada Sawirka, Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya
Dadka Soomaalida ah ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga falceliyay sawir lagu daabacay bogga internet-ka ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya, kaasoo muujinaya khariidadda Afrika, iyadoo Soomaaliya lagu daray Itoobiya.
Sawirka muranka dhaliyay, oo ilaa iminka aysan ka hadlin dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa durba laga saaray bogga wasaaradda, kadib markii qeylo dhaan la xiriirta ay cirka isku shareertay.
Waxaase xusid mudan in khariidadda Soomaaliya ee Itoobiya la raaciyay laga reebay dhinaca Waqooyi, halkaasoo ay ka arrimiso jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.
Arrintan ayaa lagu tilmaamay mid meel ka dhac ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, waxaana dadka ka fal celiyay ay sheegeen in Itoobiya ay dooneyso wax ay ugu yeereen "dhul ballaarsi".

Xigashada Sawirka, Google
Dhanka kale waxaa khariidadda lasoo sawiray aan lagu muujinin Suudaanta Koonfureed, iyadoo lagu daray dalweynaha Suudaan.
Hase ahaatee, lama oga in khariidaddan la sameeyay ka hor intii aysan Suudaanta Koonfureed ka go'in Suudaan inteeda kale.
Tan iyo markii sanadkii lasoo dhaafay uu xilka Ra'iisul wasaaraha Itoobiya qabtay Dr Abiy Axmed, waxaa horumar dheeraad ah sameynayay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxayna labada dal madaxdooda yeesheen shirar badan oo ay uga arrinsanayeen sidii ay horumar wada jir ah u gaari lahaayeen.










