Toddobaadkan filo afar arrimood in ay dhacaan

,

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, ,

Barri oo Isniin ah, waa bilowga Todobaad cusub, lama oga wax kasta oo kamid ah waxyaabaha dhici doona toddobada cisho ee soo socda, hase ahaatee waxaan u toog haynnaa waxa soo socda.

Hoos ka akhriso qaar kamid ah waxyaabaha muhiimka ah, isla markaasna xiisaha leh ee la filayo inay dhici doonaan toddobaadka soo aaddan.

1) Ramadan oo soo galaya

Bisha Barakaysan ee Ramadan ayaa bilaabanaysa todobaadkan (marka ay sida Rasmiga ah u billaaban doonto waxay ku xirnaan doontaa marka meesha aad ku nooshahay laga arko dhalashada bisha).

Waa bisha ugu muhiimsan tirsiga bilaha sanadka ee Muslimiinta caalamka oo dhan oo tiro ahaan gaaraya 1.6 bilyan, kuwaas oo soomi doona laga billaabo marka waagu baryo ilaa marka qorraxdu dhacdo, si ay ilaahay ugu dhawaadaan.

Wax cunista, cabidda, iyo galmada ayaa sidoo kale mamnuuc ah inta lagu gudo jiro saacadaha soonka.

Maadaama calendar-ka Islaamku uu yahay midka dayaxa, bisha Ramadan sanad kasta waxay gadaal usoo durugtaa qiyaastii 11 maalmood.

Taas macnaheeduna waa in Muslimiinta kunool bariga dhexe ay saacadaha soonku usoo yaraan doonaan sanadba sanadka uu ka dambeeyo.

Tusaale ahaan dalka Isutagga Imaaraadka Carabda, dadku waxay sanadkaan soomi doonaan 15 saacadood. Marka la gaaro sanadka 2030, saacadaha soonku waxay kusoo aruuri doonaan 10 saacadood.

Qoraalka Muuqaalka, Muxuu soonku uga dhigan qoyskan inta lagu jiro bisha Ramadan?

2) Maxaad intaas ku daraysaa, Mr Barr?

Dacwad oogaha guud ee Donald Trump, William Barr, ayaa su'aalo ad adag la waydiin doonaa toddobaadkan.

Haddii aan wax yar gadaal milicsanno: Dacwad oogaha gaarka ah Robert Mueller ayaa soo gabagabeeyay baadhitaankii ku saabsanaa tallaabooyinkii ay qaadeen Madaxweyne Trump iyo kooxdiisu.

Mr Barr ayaa qoraal uu soo koobay waxa uu ka sameeyay warbixintii Mr Mueller, wuxuuna shir jaraa'id oo uu qabtay carrabka uu ku adkeeyey qodobbo kamid ah warbixintaas ayadoonba lasoo saarin warbixintaas oo tifaftiran.

Si kastaba ha ahaatee, markii ay akhriyeen qoraalka, ayaa xubnaha xisbiga dimuquraadiga ah waxay Mr Barr ku eedeeyeen in uu marin habaabiyey dadweynaha iyo in uu dhinac u jan jeero.

Hoggaamiyeyaasha xisbiga Dimuquraadiga ah ayaa sheegay in ay "iska caddahay" in qoraalka qayb laga tagay, arrintaas oo ay Mr Barr eeddeeda dusha u saareen.

Mr Barr ayaa haatan oggolaaday in uu horyimaado labo guddi oo katirsan golaha senate-ka. Mid kamid ah labadaas guddi ayuu hor tagi doonaa maalinta Arbacada ah halka kan kalena uu hortagi doono Khamiista.

3) Japan oo yeelan doonta Imbiraadoor cusub

Maalinta Talaadada ah, ayaa Imbiraadoorka waayeelka ah ee Japan, Emperor Akihito, wuxuu naqonayaa Imbiraadoorkii ugu horreeyey ee xilka isaga daga.

Wiilkiisa, Dhaxal Suge Naruhito, ayaa xilkaas qaban doona maalinta Arbacada.

Arrintaa ayaa ka dhigan casri cusub oo u bilowday Japan- magaca waagaas cusub waxaa loo yaqaan Reiwa ( kaas oo muujinaya shaci iyo kala dambayn). Wuxuu ka muuqan doonaa lacagaha birta ah, Wargaysyada, Rukhsadaha gawaari wadidda iyo warqadaha shaqada.

Qoraalka Muuqaalka, Amiirad Aiko, waa ilmaha kaliya oo uu dhalay Dhaxal sugaha Japan ee Naruhito, xilka ma ay dhaxli doonto waayo waa haweeneey.

4) Horyaalka Ingiriiska oo loo dabbaal dagi doono

Waxaan lawada soconnaa in Horyaalka Ingiriisku uu yahay gagabo, waxaana ka harsan labo kulan oo kaliya.

Labo kooxood oo qura ayay suurtagal tahay in uu midkood ku guulaysto, waana loollankii ugu adkaa muddo sano ah.

Kooxaha Manchester City iyo Liverpool ayaa qoorta iskula jira, labadooduna waxay muujinayaan dadaal adag.

Liverpool ayaa laga yaabaa in ay sanadkaan dhibcihii ugu badnaa ku qaaddo Horyaalka. Balse in aysan taasi dhicinna waa laga yaabaa.

Manchester City ayaa haddii ay badiso labada kulan ee u dambeeya waxay ku guulaysanaysaa koobka.