Gabadh "hormoonka ragga ku badan yahay" oo ku guul daraysatay racfaan ay maxkamad ka qaadatay

Xigashada Sawirka, Reuters
Maxkamadda arrimaha sportska ayaa diidday racfaanka ay gabadh ka tirsan kooxda Olombikada dalka Koofur Afrika ee lagu magaxaabo Caster Semenya ay ka qaadatay go`aanka guddiga cayaaraha ororddada ee dunida, kaas oo ay ku doonayaan in lagu xaddido hoormoonka ragga ee ku badan qaar ka mid ah haweenka orodada ka qayb gala.
Caster Semenya oo ku guuleeysatay laba billadood oo dahab ayaa ku gul dareeysatay racfaan ay ka qaadatay sharicayada cudub ee ay ku soo rogeen gudiga maamulka oroddada, kaasi oo lagu yareenayo hormornkeeda dhanka ragga ah ee testosterone-ka loo yaqaan, waxaana la doonayaa in loo badiyo dhanka dumarnimada.
Semenya oo arrintaasi ka jawaabeysa ayaa barteeda Twitterka ku soo qortay "mararka qaar waxaa habboon in aamusnaan lagu jawaabo."
Samenya ayaa sheegtay in ururka ciyaaraha orodada ee IAAF "ay mar walba si khaas ah u bartilmaameedsan jireen".

Xigashada Sawirka, STU FORSTER
Hadda iyada iyo ciyaartoy kalaba oo isla arrinkan lagu haysto waa inay daawooyin qaatan si ay uga qeyb galaan tartanka oradka ee 400 mitir ama ay ka haraan oo ay u badeshaan tartamada kale ee dhanka oradka.
"Muddo toban sano ah IAAF waxay isku dayeysay inay hoos ii dhigaan, balse taasi aad ayey ii dhiiragelisay. Go'aankaanna hadda dib iima dhigaayo," Ayey tiri Semenya.
"Mar labaad ayaan kor u soo kici doona, waxaana sii wadi doona dhiiragelinta gabdhaha da'a yar iyo orodada ku nool Koonfur Afrika iyo dunida oo dhan."
Horaan ayaa waxay u sheegtay inay doonayso inay tartamada uga qeyb qaadato iyada oo aan la'iga yaraynin waxbo, "sidii aan ku dhashay".

Xigashada Sawirka, Getty Images










