Madaxweynaha Puntland oo sheegay in khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada uu halis galinayo dalka

Xigashada Sawirka, SACIID DENI
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni, ayaa sheegay in khilaafka dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada uu halis ku yahay mustaqbalka dalka.
Waxa uu ka hadlayay magaalada Garowe halkaas oo uu muddaba uga maqnaa safarro uu ku marayay dalalka dibadda.
Siciid Deni ayaa sheegay in intii uu safarrada shaqo ku jiray uu magaalada Nairobi kula kulmay madexweyneyaasha maamul gobolleedada Jubbaland iyo Galmudug, kuwaas oo ay ka wadahadleen waxa uu ku sheegay wadashaqayn la'aanta muuqata ee dawladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.
"Waxaannu ka wadahadalnay arrimaha Soomaaliya iyo cakirnaanta ka jirta laga soo bilaabo bishii sagaalaad ee 2018, markaas oo shirarkii joogtada ahaa ee u qabsoomi jiray dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka oo baaqday, sidii waxa jira iyo aragtiyaha la kala qabo la iskugu soo dhaweyn lahaa, aragti cadna laga qaadan lahaa," ayuu Deni yiri.
Madaxweynaha Puntland ayaa dhanka kale sheegay in madaxda dalalka uu la kulmay ay walaac ka muujiyeen wadashaqeyn la'aanta ka dhex jirta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.
"Runtii dowladaha aan la kulannay ruuxaddooda aad bay waxay walwal uga qabeen wadashaqeyn la'aanta muuqata ee ka dhex jirta dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah iyo dowladda federaalka ah taas oo mugdi galinaysa mustaqbalka dalka Soomaaliya iyo meesha uu ku socdo."

Xigashada Sawirka, YOUTUBE
Hadalka madaxweyne Siciid Deni ayey dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya waxa ay sheegayaan inuu bannaanka soo dhigay kala qoqobnaanta iyo kala ra'yi duwanaanta baahsan ee dhex taal madaxda Soomaaliya.
Dr Xasan Sheekh Cali Nuur waxa uu ka faallooda arrimaha Soomaaliya, waxa uu sheegay in taasi ay ka dhigan tahay inay caqabad ku timid waxyaabihii loogaga fadhiyay inay dowladda fuliso.
"Sidii loo sameyn lahaa awood qeybsigii, qeybsigii dhaqaalaha, federaalaynta ama wax ka qabashada arrimaha siyaasadda, kobcinta dhaqaalaha, dib u heshiisiinta iyo dadka Soomaaliyeed in la isku keeno, waxyaabahaas oo dhan marka la isku duubo ayaa waxaa jirta inaynan dhicin labadii sano ee la soo dhaafay horumar la taaban karo."
'Dastuurkii oo la gacan bidixeeyay'
Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ku eedeeyey xukuumadda federaalka ah in ay gacan bidixaynayso dastuurka iyo nidaamkii lagu heshiiyey, taasina ay tahay arrin khatarteeda leh.
"Sida dad badan oo Soomaaliyeed ay walwal ka qabaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya meesha ay ku socoto ayaa Puntland-na waxa ay walwal ka qabtaa habka wadashaqeynta iyo dalka sida loo maamulayo,"
Deni ayaa intaas sii raaciyay "Runtii khataraha ugu weyn ee ay Puntland dareemayso waxaa ka mid ah in nidaamkii iyo dastuurkii lagu heshiiyay la gacan bidixaynayo oo wadadii loo baahnaa uusan ku socon, waxaa nooga muuqata khatar abuuri karta in nidaamka siyaasiga ah ee hadda jira uu caqabad aan hadhow la xallin karin yeesho."
Waxaa kale oo uu madaxweynaha Puntland dhaliilay habka uu sheegay in lagu magacaabay guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo uu sheegay inuu ahaa mid baal marsan qaabka wax qaybsiga beelaha ee Soomaaliya ku heshiisay, xaqna ay u leeyihiin jagadaa inuu qabto qof Puntland ka soo jeedaa.
"Waxaan dhaliil wayn ka qabnay sida loo maareeyay gudoomiyihii Bangigii Dhexe ee Soomaaliya oo runtii ah xadgudub habka nidaamka wax qeybsiga muuqda, oo haddana [hannaan] aad u khaldan oo muuqda lagu sameeyay."

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA
Maxaa la gudboon dowladda dhexe ee Soomaaliya?
Tan iyo markii uu bilowday khilaafka ka dhaxeeya madaxda federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa waxaa la sheegayaa inuu hakad galay waxyaaba badan oo ay wadajir u fulin jireen.
Haatan aqoonyahannada dalka ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in madaxda Soomaaliya ay la yimaadaan qaab ay dalka khilaafkaas uga saarayaan.
Dr Xasan Sheekh Cali Nuur ayaa ku doodaya in madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, inuu qaato dowrka hoggaanka dalka isbadelna uu ka shaqeeyo.
"Waxaa [Farmaajo] u furan inuu dib u raadiyo maamul goboleedyadii, waana inuu u soo laabtaa habkii wadahadalka, waddo kale oo u furan ma ay jirto."












