Haweeney Muslin ah oo taageero ku heshay sawir ay la gashay kooxaha Islaamka neceb

shaymaa

Xigashada Sawirka, SHAYMAA ISMAA'EEL

Haweeney Muslin ah oo dhawaan sawir la gashay dad dhigayay dibadbaxyo ka dhan ah diinta Islaamka ayaa sheegeysa in sababta ay sidaasi u sameysay ay tahay in "naceybkooga ay kula dagaallanto kalgacayl iyo dhoolla caddeyn".

Gabadhan oo lagu magacaabo Shaymaa Ismaciil ayaa BBC-da u sheegtay in si aad ah looga falceliyay sawirkaasi ay la gashay dadka dhigayay dibadbaxyo ka dhan ah diinta Islaamka ayna ku heshay taageero xad dhaaf ah.

Sawirka Shaymaa oo 24 jir ah oo xirnayd fasaleeti isla markaana muujineysa astaan nabadeed ayaa waxaa aad ugu riyaaqay in ka badan 200,000 oo qof.

Sawirkaasi ayaa lagu qaaday gudaha magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka, xilli magaaladaasi uu ka dhacayay shir weynaha muslimiinta oo socday muddo saddex maalmood ah.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Shaymaa, oo ku nool dalkaasi Mareykanka isla markaana ka shaqeyso xarun lagu daryeelo carruurta qabta xanuunka dhanka maskaxda ee autism-ka loo yaqaan ayaa waxa ay ka mid ahayd 24,000 oo qof oo Muslimiin ah oo ka qeybgalayay shir weynaha 44-aad ee Muslimiinta Mareykanka ee magaciisa loo soo gaabiyo MAS-ICNA, kaa oo ka dhacayay caasimadda Mareykanka.

Waxa ay sheegtay in shirkaasi uu ahaa fursad ay muslimiinta ugu arrinsadaan dhiintooda, waxyaabo bandanna ay isku weydaarsadaan.

"Dad badan ayaa ka soo qeybgalay munaasabaddaasi oo ka dhaceysay meel jawigeedu aad u deggan yahay balse markii aan halkaasi gaarnay, waxaan aragnay dad dibadbaxyo dhinagaya oo taagan waddada qarkeeda," ayay tiri Shaymaa.

"Maalintii ugu horreysay waan aragnay dadkaasi oo meeshaasi taagan balse waan ka fogaannay. Waa ay qaylinayeen, waxa ayna siteen boorar, innaguna meel fog ayaan ka sawirannay."

shaymaa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Go'aan qaadasho

Shaymaa waxay sheegeysaa in dadka dibadbaxyada dhigayay ee ku sugnaa afaafka hore ee madasha shirkaasi ay siteen boorar iyo samaacado ay ku gudbinayeen farriintooda ka dhanka ah Islaamka.

"Waxa ay siteen boorar ay ku qoran yihiin ereyo ay ka mid yihiin 'Islaamku waa diin naceyn ku saleysan', waxayna sheegayeen in halkaasi aan u joogno in aan 'dhageysanno naceyb'. Anigu waxyaabahani oo kale marnaba ima saameeyaan. Dabcan aad baan ugu qoslay waxa ay sameynayeen, ayay tiri Shaymaa.

"Anigu waxaan ka mid ahay dadka waxyaabahi oo kale ku shactireysto. Marka aad ayaan ugu qoslay waxa ay sameynayeen. Waxaan mararka qaar ka fikirayay in ay fiicnayd in aan haysanno samaacado si ay u maqlaan waxa guda ka dhacaya'."

Shaymaa ayaa intaasi raacisay in wixii ka dambeeyay muddadaasi saddexda maalmood ah ee ay arkeysay dadkaasi dhigaya dibadbaxyada looga soo horjeedo Islaamka ay go'aansatay in ay go'aan qaadato.

"Waxaa jira xaddiis laga soo weriyay nabigeenna (N.N.K.H) oo oranaya dhoolla caddeyntu waa sadaqo, marka aniguna sida caadiga ah waxaan ahay qof mar kastaa dhoolla caddeeyo.

"Waxaan ka codsaday qof saaxibadeyda ka mid ah inuu sawir iga qaado. Waxaan doonayay in ay arkaan dhoolla caddeynteyda iyo muujiyana kalgaceyl. Waxaan doonayay in "naceybkooga aan kula dagaallamo kalgaceyl iyo dhoolla caddeyn".

"Sida ka muuqata sawirkaasi, waxay u muuqdaan kuwo careysan, balse dhab ahanatii aad ugama aysan falcelin arrintaa aan sameeyay. In yar ayay igu buuqeen oo waxay yirahdeen, 'Waa in aad wejigaaga dabooshaa."

shaymaa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Marka laga soo tago in sawirkaasi boqolaal kun oo qof ay la dhaceen oo ay intarneedka ku faafiyeen, haddana Sheymaa waxay sheegeysaa in ay soo gaareen farriimo taageero iyo dhiirigelin ah.

Qaar ka ka mid ah dadka ka falceliyay wasirkaasi ayaa waxa ay sheegeen in sawirkaasi uu mudan yahay in lagu soo banddhigo madxafka xuquuqda madaniga.

"Dhab ahaantii anigu ma aqaan in arrintaasi ay iyaga dhab ka tahay iyo in kale, waana suurtagal in ay ka tahay jeesjees. Balse anigu marnaba raalligelin ka bixin maayo qofka aan ahay, marka qofna ma aha in uu ku niyad jebiyo."

Shaymaa waxa ay sheegtay in inkastoo si weyn looga falceliyay sawirkeeda, haddana arrintaasi aysan ka tarjumeyn waayo-aragnimadeeda xirashada xijaabka ama xitaa Muslinnimadeeda.

"Marka keliya ee aan xasuusto in la igu bartilmaameedsaday Muslinnimadeyda ayaa ahayd mar aan jaamacadda dhiganayay.

"Nin ayaa igu yiri waxyaabo aanan aqoon. wuxuu ku hadlayay luuqad kale, balse marka la eego sida uu u hadlayay, waxaan dareemay in waxa uu ku hadlayay aysan ahayn wax fiican."

Shaymaa ayaa sheegaysa in marka kaliya ee ay dareentay cabsi la xiriirta diinteeda ay ahayd wixii ka dambeeyay toogashadii ka dhacday masaajidda Christchurch ee dalka New Zealand.

15-kii bishii Maarso ee sannadkan ayaa nin caddaannimadu ay madax martay waxa uu toogasho ku dilay 50 qof, arrintaa oo sababtay in dalkaasi uu markiiba isbadal ku sameeyo sharciyada hubka.

"Waan ogaa in arrintaasi aysan ka dhicin gudaha Maraykanka hase yeeshee xaqiiqada ah in weerarkaasi uu dhacay ayaa igu khasabtay in aan billaabo inaan dareemo walwal, sida in runtii ahaantii aad noola neceb yahay," ayay tiri.

shaymaa

Xigashada Sawirka, AFP

Shaymaa waxay sheegtay in ay ku rajo weyn tahay in hoos u dhac uu ku imaan doono dhacdooyinka ah in dadka diintoodu lagu bartilmaameedsado.

"Waxaan filayaa in dadku ay haatan la qabsadeen. Waxaad arkeysaa dad badan oo aniga ila mid ah oo xiran xijaab ama fasaleeti.

"Waxaad arkeysaa majaladaha qaarkood oo ay ku sawiran yihiin dumar Muslimiin ah. Arrintaa ma aysan dhici jirin waagii aan yaraa."