Ra'sal wasaaraha Itoobiya oo maalinta Nadafadda heer qaran ka qayb qaatay

Ra'isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa maanta ka qayb qaatay olola nadaafadeed oo heer qaran oo uu horay u iclaamiyey in sanad walba la sameeyo.

Ra'isal wasaaraha oo ka qayb qaadshada ololaha nadaafadda kaddib warbaahinta dalkaasi la hadlay wuxuu u mahadceliyey dhammaan muwaaddiniinta ka qayb qaadatay ololaha nadaafadda ee maanta.

Wuxuuna intaa ku daray "haddii aan nadiifinno wasakhda xaafaddeenna, magaladeenna, deegaankeenna, dalkeenna iyo maskaxdeenna inaan ku guuleysan karno horumarka dalkeenna"

Waxaana maanta laga billaabo waa barigii dalka Itoobiya oo dhan ka socday ololaha nadaafadda.

"Nadaafadduna wa inaan marwalba caada ka dhigannaa oo aan sugin olola wakhti ku xiran" ayuu yiri Ra'isalwasaare Dr Abiy Axmed.

Ra'isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa maanta ka qayb qaatay olola nadaafadeed

Xigashada Sawirka, FANA

Qoraalka sawirka, Ra'isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa maanta ka qayb qaatay olola nadaafadeed
Ra'isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa maanta ka qayb qaatay olola nadaafadeed

Xigashada Sawirka, FANA

Qoraalka sawirka, Ra'isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa maanta ka qayb qaatay olola nadaafadeed
Shacbka magaalada Addis Ababa oo ololaha caafimaadka ka qayb qaatay

Xigashada Sawirka, FANA

Qoraalka sawirka, Shacbka magaalada Addis Ababa oo ololaha caafimaadka ka qayb qaatay
Ciidamada dalka Itoobiya oo iyana ka qayb qatay ololaha nadaafadda

Xigashada Sawirka, FANA

Qoraalka sawirka, Ciidamada dalka Itoobiya oo iyana ka qayb qatay ololaha nadaafadda