Xaashi Cumar wuxuu xal u raadinayaa dambi uu 19 sano u xirnaa

Xaashi iyo Roberto

Xigashada Sawirka, Xaashi Cumar

Qoraalka sawirka, Xaashi Cumar iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga Roperto Fico

Magaalada Roma ee Talyaaniga waxaa lagu qabtay kulan sanad-kii 25-aad ee loo qabtay cadaalad u raadinta cidii ka danbaysay dilkii loo geystay waheenaydii wariyaha ahayd ee llaria Alpi iyo Filim-qaadaheedii kuwaas oo lagu dilay magaalada Muqdishu 20 Maarso 1994.

Kulankan waxaa ka qayb galay markii u horeysay Xaashi Cumar oo ahaa wiil soomaaliyeed oo muddo 19 sanadood u xidhnaa danbiga dilka ah oo loo gaysatay haweenaydan iyo Filim-qaadaheedii.

''sannad walba waxaa la qabtaa kulan lagu xusayo dhimashada haweenaydan,kaas oo lagu dalbnayo in si cadaal ah loo baaro loona cadeeyo xaqiiqda ay u dhimatay Ilaria Alpi iyo cidii ka danbaysay,sanadkan waa ka badalnaa kuwii hore oo waxaa ka soo qayb galay gudoomiyaha baarlamaanka talyaaniga Roperto Fico,aniguna maadaama aan xor ahay oo aanan ka qayb gali jirin xusaskii hore, waa lay wacay si aan halkaas uga jeediyo aragtidayda, waxaan la kulmay gudoomiyaha cadaalada waxaanan la wadaagay marxaladihii aan soo maray iyo danbiga beenta ah ee lay haystay,waxay ii sheegeen in aysan dhici doonin arrintan oo kale oo aan cadaalada raadinteeda ku sii socdo'' sidaas waxaa BBC-da u sheegay Xaashi Cumar.

Xaashi Cumar ayaa maxkamad ku taal magaalada Perugia ee dalka Talyaaniga, waxay hore xukuntay inaanu wax dambi ah lahayn isla markaana uu xaq u leeyahay in uu xoriyadiisa si buuxda u helo.

Wali waxa socota dood u dhaxaysa Xaashi iyo laamaha cadaalada wadankaasi Talyaaniga,doodan ayaa ku salaysan qiimaha magdhowga uu helayo Xaashi mudadii uu xirnaa.

'' Wali kuma qanacsani qiimaha magdhowga lay xukumay, sababtan ayaa ah mida aan u joogo Roma,waanan u doodayaa xaqa aan leeyaay,19 sanadood qofka xidhnaa wuxu leeyahay xaquuq layaqaan,waxay igu qancinayaan 3 milyan iyo 180 Euro anigu ka dhageysan mayo sheekadaas,waxaan sugayaa go'aanka maxkada''

Qoraalka Codka, Soomaali hooy la'aan ku haysato Talyaaniga

Gabadha wariyaha ah ee la dilay ayaa Soomaaliya u tagay si ay ugu sameeyaan baaritaano eedeymaha sheegaya, in shirkado laga leeyahay dalka Talyaaniga ay qayb ka ahaayeen haraaga sunta oo lagu shubay xeebaha Soomaaliya iyo hub laga iibiyey dad loogu yeeray hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya hortaantii sagaashameeyadii.

Ilaria Alpi ayaa tagtay magaalada Boosaaso ka dibna waxay timid magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu dilay March 20, 1994.