Nin 73 jir ah oo ka yaabiyay dunida

Isaak Hayik, oo 73 jir ah ayaa noqday ciyaartooygii ugu da'da weyn dunida ee ka qeybgalo ciyaar caalami ah

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Isaak Hayik, oo 73 jir ah ayaa noqday ciyaartooygii ugu da'da weyn dunida ee ka qeybgalo ciyaar caalami ah

Ciyaartooy u dhashay Israa'iil ayaa galay rikoorka ciyaartoyga ugu da'da weyn dunida ee ka qeybgala ciyaar caalami ah isagoo jiro da'da 73 jir.

Isaak Hayik ayaa Jimicihii noqday gool hayaha koox lagu magacaabo Ironi Or Yehuda oo ka dhisan Israa'iil.

Waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu dheelo ciyaar kale kaddid markii uu dhameystay 90-kii daqiiqo oo ay ciyaarta socotay.

Isaak Hayik ayaa markii ciyaarta ay dhamaatay, xaflad lagu qabtay garoonka ayaa waxaa lagu guddoonsiiyay abaal marinta rikoorka ciyaartoyga ugu da'da weyn dunida.

Hayik xilli uu kubadda qabanayay

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Hayik xilli uu kubadda qabanayay

Inkasta oo koooxdiisa looga badiyay 5-1, ninkan ayaa kooxdiisa ka badbaadiyay goolal badan oo kusoo socday shabaqa.

"Tallaabadan ma aha oo kaliya ah sharaf aniga ii soo hoyatay balse waxay sharaf u tahay guud ahaan bahda kubadda cagta ee reer Israa'iil" ayuu yiri Hayik oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters.

Moshe Hayik oo 36 jir ah, ahna wiil uu dhalay ninkan ayaa ku tilmaamay guusha uu gaaray aabihiis mid aanan la rumeysan karin.

Isaak Hayik xilli uu ciyaarayay

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Isaak Hayik xilli uu ciyaarayay
Isaak Hayik.

Xigashada Sawirka, Reuters

Isaak Hayik, oo la dabaaldeggayo koxdiisa markii la guddoonsiiyay abaal marinta

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Isaak Hayik, oo la dabaaldeggayo koxdiisa markii la guddoonsiiyay abaal marinta

Robert Carmona oo 53 jir una dhashay dalka Uruguay ayaa horey u heystay rikoorka ciyaartooyga ugu da'da weyn dunida, halka weeraryahanka reer Japan Kazuyoshi Miura,uu noqday ciyaartooyga ugu da'da weyn dunida ee dhaliyo gool xilli ay socotay ciyaar adag.