Janaraal Xaftar oo ciidamadiisa howlgaliyay iyo Tripoli oo heegan gashay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciidamada ku sugan bariga dalka Liibiya ee daacadda u ah janaraalka fallaagada ah ee lagu magacaabo Khaliifa Xaftar ayaa u ruuqaansanaya dhinaca galbeed, arrintaas ayaana sababtay in qeylo dhaan dhinaca amaanka ah laga soo saaro magaalada caasimadda ah ee Tripoli.
Waxaa heegan sare ku jira xoogagga dowladda Liibiya ee ay qaramada midoobay taageerto, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalka uu waji cusub yeesho.
Mas'uuliyiinta Liibiya ayaa amar ku bixiyay in dhaqdhaqaaqyada si guud loola socdo, ciidamo xoog lehna lagu daadiyo waddooyinka soo gala magaalo madaxda.
Xaaladdan mar qura sida lama filaanka ah cirka isugu shareertay ayaa kusoo aadday safarka uu xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ku tagay dalkaas, isagoo doonaya inuu heshiis kala dhex dhigo labada dhinac ee iska soo horjeeda.
Afhayeen u hadlay ciidamada fallaagada ah ee ku sugan dhinaca bari, oo lagu magacaabo Axmed Mismaari ayaa sheegay in xoogaggiisu ay dagaallo la galeen ciidamada cadawgooda ah ee fariisimaha ku leh koonfurta magaalada Tripoli.
Hase yeeshee, ma uusan caddeynin in ciidankoodu ay si toos ah ugu wajahan yihiin magaalada caasimadda ah ee ay ku sugan yihiin mas'uuliyiinta dowladda laga aqoonsan yahay caalamka.
Janaraal Khaliifa Xaftar oo horay uga tirsanaa ciidamada qalabka sida ee dalkaas ayaa si iskiis ah ugu dhawaaqay taliska milatariga Liibiya oo uu sheegay inuu isagu madax u yahay.
Dhinacyada isku haya Liibiya ayaa dagaallamayay tan iyo sannadkii 2011-kii, xilligaasoo xilka laga tuuray hoggaamiyihii muddada dheer maamulayay Liibiya, Mucamar Al-Qadaafi.
Qadaafi ayaa xilka madaxweynaha hayay muddo ka badan 40 sano, oo u dhaxeysay 1969-kii ilaa 2011-kii, waxaana isagoo dhuumaaleysanaya markii dambe lagu dilay magaalada Sirte.
Waddankan saliidda hodanka ku ah ayaa tan iyo markaas lahaa labo dowladood oo mid ay saldhigatay caasimadda Tripoli, halka tan kalena uu fariisinkeeda yahay magaalada bariga ku taalla ee Tobruuk.
Balse Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ayaa si rasmi ah u aqoonsan maamulka ku sugan Tripoli.










