Dumar dayaxa aaddi lahaa oo dhar la'eg loo waayay

Christina Koch oo ah gabadha dayax gacmeedka raaci lahayd.

Xigashada Sawirka, NASA

Qoraalka sawirka, Christina Koch oo ah gabadha dayax gacmeedka raaci lahayd.

Qorshe la doonayay in dayax gacmeed ay dumar kaliya wadaan hawada loo diro ayaa la joojiyay kadib markii la waayay gashi la'eg mid ka mid ah labadii dumar ee la diri lahaa sida ay sheegtay hay'adda cirbixiyeenada Maraykanka ee Nasa.

Christina Koch iyo Anne McClain ayaa lagu waday in maalinka jimcaha in ay dibedda uga baxaan xarunta dayax gacmeedyada caalamiga ah si ay u rakibaan batariyo.

Waxaase soo baxday in ay u baahanyihiin gashiga isku dayska ah oo cabirkiisu yahay kan dhexe, kaas oo mid qura uun laga hayay.

Sidaas darteed mid ka mid ah gabdhaha, Koch, ayaa banaanka la aadaysa nin lagu magacaabo Nick Hague.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Presentational white space

Cabirka gashiga ayaa muhiim ka ah hawlaha cirbixiyeenada si ay u helaan nafis iyo dhaqaaq wanaagsan.

Arrinta ugu muhiimsan ayaa ah qeybta aadka u adag ee xabadka ee gashigan, kaas oo qof lagu cabiray mooyee uusan qof kale isticmaali karin ama ay naftiisa halis ku tahay.