Tuulo qadiimi ah oo la degenyahay 5 qarni

Muddo ka badan 500 oo sanno ayey qowmiyaddan oo inta kale ee waddanka ka go'doonsan ku noolaayeen tuulo ku dhex taalla dhagax ka mid ah buuraha dalka Cumaan.
Al Sogara waa tuulada aysan dad badan ka war heynin ee ku taalla buuraleyda dalka Cumaan, waxayna ku dhex jirtaa dhagax ka mid ah buuraha cagaaran oo dhulka aad uga sarreeya.
Waxay tuuladan dhulka bartamaha Cumaan ka sarreysaa 2,980 mitir waxayna magaalada caasimadda ah ee Masqad u jirtaa masaafo dhan 195 kiilo mitir.
Tan iyo sannadkii 2005-tii, buuraleydan waxaa kusoo batay dhaqdhaqaaqyada ciidamada milatariga, dadka caadiga ahna way ku adkaatay iney tagaan.
Mid ka mid ah odayaasha tuulada ayaa sheegaya in aysan jirin meel kale oo ay ku doorsanayaan xaafaddooda.
"Waa meel qurux badan oo dhulka ka sarreysa, waxay u egtahay sida taallo, sax?, annagu halkan ayaan ku nool nahay. Waan jecel nahay meeshan, maxaan u jeclaan weynay?, waxyaabo yar yar unbaa halkan iska baddalay sidii ay ahaan jireen, hadda gawaarida wey nasoo gaari karaan, waxaana isticmaalnaa koronto", ayuu yidhi.

Waxay dadka deegaankan sheegeen in xaafaddan ay ka dhaxleen awooweyaashood oo dhisay in ka badan kun sano ka hor. Sida aad arki kartaana guryaha waxaa laga dhex qorey buurta oo aan duleel iyo dilaac toona lahayn.
Waxaa dhanka hoose ee dhagaxa ay xaafaddan ka sameysan tahay ku yaalla wabi biyo leh, halkaas oo ay qaarkood beero ku sameysteen.
Sababtii ugu muhiimsaneyd ee dadkii hore ay guryahooda uga sameysteen buurtan dhexdeeda waxay ahayd si ay uga nabad galaan duufaannadii aagaas ka dhici jiray, kuwaasoo marka ay ku dhuftaan khasaare u geysan jiray.
Waxay hadda halkan uga badbaadaan cimilo kasta oo waxyeelleyn karta bani'aadanka, heer kulka gudaha ayaana ah mid caadi ah oo lagu noolaan karo.
Guryaha waxaa lagu dhisey maaddo ay dadkii hore yaqiineen oo loogu talogalay in cimilo kasta lagu hoyan karo.










