Xog laga helay sanduuqa madoow ee diyaaraddii Itoobiya

Ethiopian Airlines

Xigashada Sawirka, Reuters

Xogta laga helay sandaadiiqda madoow ee diyaaraddii burburtay ee Ethiopian Airlines ayaa muujinaya in ay jiraan isu ekaansho shilkan iyo kii ka horeeyay ee ka dhacay dalka Indonosia, taas oo ka dhigan in ay diyaaradda Boeing 737 Max 8 ay tahay mid ciladaysan markeedii horeba.

Wasiirka gaadiidka Itoobiya ayaa hadalkan laga soo xigtay, balse waxa ay intaas ku dartay in baaritaano dheeraad ah loo baahan doono.

Itoobiya ayaa sanaadiiqda madmadoow u dirtay dalka Faransiiska, halkaas oo ay ku taalo xarun lagu baari shilalka diyaaradaha oo aad casri u ah.

Wasiirka Dagmawit Moges ayaa sheegtay in warbixinta koowaad ee rasmiga ah ay soo bixi doonto muddo 30 cisho gudahood ah.

Xogta labada diyaaradood laga heley ayaa muujinaysa in si aan caadi ahayd ay diyaaradaha marna cirka u galayeen, marna usoo hoobanayeen.

Baroordiiq ka dhacday Itoobiya

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Baroordiiq ka dhacday Itoobiya

Agaasimaha guud ee shirkadda Boeing Dennis Muilenburg ayaa xaqiijiyay in ay qeyb ka yihiin baaritaanka socda, gacana ka geysanayaan.

Waxa uu intaas ku daray in shirkadda ay cusboonaysiinayso barnaamijka diyaaradaha lagu shubo, kaas oo loo malaynayo in ay ciladda ka timid.

Maalintii shalay ee axadda ahayd, munaasabado baroordiiq ah ayaa lagu qabtay dalalka Kenya iyo Itoobiya, hase yeeshee ma aysan jirin meydad la xabaalay, kaliya naxashyo lagu shubay dambas (deeb) ayaa la aasay.

Qoysaskii ay dadka ka baxeen shilkii diyaaradda Indonesia

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Qoysaskii ay dadka ka baxeen shilkii diyaaradda Indonesia

Siddee lagu helay sanduuqa madow?

Dhibaatada ugu wayn ee la wajaho marka uu shilka hawada ka dhaco ayaa ah siddee lagu heli lahaa sanduuqa madow.

Diyaaradaha casriga ah, sanduuqa madow waxaa lagu dhajiyaa dhinaca dambe ee diyaaradda.

Shirkadan oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn Africa, waxay kamid tahay diyaaradaha ahmiyada goonida u leh qaarada Africa.

Maaliyad sannadeedkii 2017/2018 waxay sameysay faa'iido dhan of $245m oo doolar u dhiganta (£187m).

Sidoo kale waxay qaaday rakaab gaaraya 10.6 million oo qof.

Shirkadan waxaa la bilaabay sannadkii 1945 waxaana sameeyey boqortooyadii ugu dambeysay Ethiopia ee Haile Selassie, si looga baxo saboolnimada iyo in la sameeyo muuqaal qurxoon.

Duulimaadkii ugu danbeeyey ee u dhaxeeyey magaalooyinka Qaahira iyo Asmara waxay sameysay bishii December ee sannadkii hore.

Hadda sanduuqa madow waa la helay, maxaa xiga?

Marka hore xaalad nooce ah ayey ku suganyihiin?

Sanduuqa madow ayaa waxa lagu kaydiyaa xogta diyaaradda, balse waxaa muran ku jiraa in uu qayb ka burburay iyo in kale.

Lixdii bilood ee la soo dhaafay waa shilki diyaaradeed ee labaad ee ku yimaadda diyaaradda boeing ee uu noocedu yahay 737 Max 8.

Bishii October ee sanadkii horena diyaarad noocan ah oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha ee "Lion Air" oo burburtay waxaa ku dhintay 189 qof.

Xirriirka dhanka gudaha ah ayaa laga yaaba inuu cilad soo gaaro, taasi oo horseedi karta inay wakhti badan qaadato helidda xogta.

Lahaanshaha sawirkaBEA

Baaritanka laga waday Itoobiya?.

Baaritanka laga wada dalka Itoobiya ayaa waxa hoggaamin doona baareyaal ka soo jeeda dalka, balse waxaa caawin doona khubaro kale oo ka yimid daafaha caalamka.

Maraykanka ayaa sidoo kale laga yaaba inay soo diraan koox ka socota waaxda qaran ee gaadiidka, maadama diyaaradaha Boeing 737 Max-8 lagu sameeyey gudaha dalkaas.

Waxaa sidoo kale tagay goobta uu shilka ka dhacay baareyaal u dhashay dalka Faransiiska.

Saddex baare oo ka soo jeeda dalka Ingiriiska ayaa sidoo kale tagay Itoobiya maalintii Tallaadada, si garab u siiyaan khubarada kale, balse waxaa loo samaynayaa qorshe ay dib ugu laabanayan UK.