Maxaad kala socotaa booqashada Kheyre ee Kismaayo?

Ra'isulwasaare Kheyre iyo Madaxweyne Axmed Madoobe

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Ra'isulwasaare Kheyre iyo Madaxweyne Axmed Madoobe

Ra'isulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maalinkii seddexaad ku sugan magaalada Kismaayo, halkaas oo uu 'wadahadalo' la leeyahay madaxda maamulka Jubbaland, sida uu isagaba sheegay.

Booqashadan ayaa imanaysa xilli madmadoow uu ka dhaxeeyay dowladda dhexe iyo Jubbaland.

Wasiirka madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaanni ayaa BBC-da u sheegay in ujeedka safarka Ra'isulwasaaraha uu yahay in la dhameeyo khilaafkii ka dhaxeeyay labada dhinac.

Haddaba waxa aan hoos ku falanqeyneynaa arrimo dhawr ah oo quseeya booqashada Ra'isulwasaaraha

Soo Dhoweyn Heersare

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa agaasinta soo dhoweyntii ugu weyneyd, waxaana ka qeybgalay boqolaal shacab ah iyo qeybaha kala duwan ee ciidamada.

Marka laga yimaado karaamada iyo maamuuska xilka Ra'isulwasaarenimo, haddane wax kasta oo meesha ka muuqday waxa ay muujinayeen heerka qanacsanaanta Jubbaland ee imaanshaha Xassan Cali Kheyre ee Kismaayo.

Haddal uu Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Jubbaland ka yiri shir jaraa'id oo ay Kheyre ku wada qabteen qeybta soo dhoweynta ee garoonka Kismaayo ayaa soo jiitay dareenka dad badan, kadib markii uu Ra'isulwasaaraha ugu yeeray in uu yahay madaxweynaha Soomaaliya. Hase yeeshee Axmed Madoobe ayaa ka cudurdaartay in uu gafay hadalka "Hilmaam hadali kuma jiree, Ra'isulwasaare Xassan Cali Kheyre".

Hadalkan ayaa xitaa horseeday in siyaasiyiin kasoo jeedda Jubbaland, balse ku sugan magaalada Muqdisho ay raaligalin ka bixiyaan, iyaga oo dhalliilay madaxweynaha Jubbaland.

Fagaaraha Aargada

Soo dhoweyntii Kheyre ee Kismaayo

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Soo dhoweyntii Kheyre ee Kismaayo

Ra'isulwasaare Kheyre iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa boqolaal shacab ah kula hadlay fagaaraha Aargada ee bartamaha Kismaayo.

Ra'isulwasaare Kheyre ayaa dadka reer Kismaayo u sheegay in xukuumaddiisa ay raali ka yihiin shacabka, wuxuuna uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran.

Waa arrin dhif iyo naadir ah in madaxda Soomaalida ay fagaaro kala hadlaan shacabka sababo amni awgood, hase yeeshee magaalada Kismaayo ayaa muddo dheer ku naaloonaysay nabadgelyo iyo amni. Iyada oo ay sidaas tahay, dadka reer Kismaayo qaarkood ayaa sheegay in markii ugu dambeysay ee Axmed Madoobe uu fagaaro magaalo dhexdeeda kala hadlo shacabka ay ahayd xilligii Maxaakiimta Islaamiga ah oo madaxda ka mid ahaa.

Fagaaraha Aargada

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Fagaaraha Aargada

Guriga Martida

Ra'isulwasaaraha iyo waftigiisa waxa ay degenyihiin guriga Martida oo ku yaala goob jasiirad ah, oo dacalka ku haysa Badweynta Hindiya, qeyb ahaana dhulka xiriir kala leh, meel u dhow dekeda Kismaayo agteeda, halkaas oo ay ka dhacayaan shirarka intooda badan.

Waa goob ay gasho hal waddo oo laami ah, taas oo ay labada dhinacba badda ka xigto illaa laga gaarayo dekeda iyo dhulka taagga ah ee buuraha yaryari ku yaalaan ee laga dhisay guriga martida, waana goobta amnigeeda ugu suganyahay, waxaana wadda illaaliya ciidamada AMISOM ee Kenya iyo kuwa Jubbaland.

Waa laamigan halka uu Ra'isulwasaare Kheyre ku samaynayay orodka ruclaha ah ee aadka loogu faafiyay baraha bulshada.

Ma jirto cid shacabka ka mid ah oo meeshan galaangal u leh, marka laga tago shaqaalaha dekeda iyo dadka danaha ka leh dekadda marka ay shaqada ka socoto, kuwaas oo dhammaantood aqoonsi ku gala.

Lama oga waxyaabaha rasmiga ah ee laga wada hadlayo, balse maadaamaa Jubbaland ay kusoo fool leedahay doorasho bisha Agoosto, waxaa la odorosayaa in qodobka ugu muhiimsan ee miiska saaran uu yahay sidii isfaham looga gaari lahaa qaabka ay doorashada u dhici doonto.

Xildhibaano Dhaliilay Booqashada

Xildhibaano iyo siyaasiyiin ku sugan magaalada Muqdisho ayaa dhaliilay booqashada Ra'isulwasaare Kheyre ee Kismaayo.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, Xildhibaan Faarax Xasan, Xildhibaan Cabdirishiid Maxamed Xiddig iyo Xildhibaan Cabdifataax Maxamed Cali oo warbaahinta gudaha la hadlay siyaabo kala duwan ayaa sheegay in caburin iyo caqabado ay ka jiraan Jubbaland, Ra'isulwasaarahana tahay in uu arrimahaas wax ka qabto.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa sheegay in ay qoraal geyn doonaan baarlamaanka federaalka, kaas oo ay ku codsanayaan in isbadel dhab ah uu ka dhoco Jubbaland.

Sidoo kale musharixiin u taagan xilka madaxtinimada Jubbaland oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa Ra'isulwasaaraha xusuusiyay in doorasho ay soo fool leedahay, arrintaasna meel cad la saaro.

Weli lama magacaabin guddigii doorashada, lamana bilaabin soo xulista xildhibaanada, balse waxaa magaalada aad looga dareemayaa dhaqdhaqaaqa arrimaha ololaha.