Iyadoo sawir iska qaadayso ayey nafteeda halis gashay

Shabeel

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Shabeel

Haweenay damacsanayd inay sawir iska qaaddo ayaa waxa weeraray shabeeel iyada oo ku sugan xarun lagu xanaaneeyo xayawaanada oo ku taalla magaalada Arizona ee dalka Mareykanka.

Arrintan oo dhacay maalintii Sabtida ahayd ayaa sababtay in haweenayda ay soo gaaraan dhaawacyo badan.

Waxa ay doonaysay inay sawir la gasho shabeelka, balse waxa uu ka soo booday meeshii uu ku xirnaa waxa uuna ka qaniinay gacmaha.

Madaxa xarunta Mickey Ollson oo dhaliil u jeediyay dadka ka gudba xeyndaabka loogu tala galay ayaa yidhi: "Ma jiro hab loola dhaqmo dadka gudba meelaha aanan loo ogolayn".

Waxa uu sidoo kale sheegay in isla shabeelkan uu horay u weeraray qof kale oo isku dayey inuu gudbo derbi aan la soo marin. Waxa uu xaqiijiyey in dhacdadii Sabtidii dhacday ay ahayd "khalad uu bini'aadam sameeyey".

Muuqaal laga duubay dhacdadan ayaa muujiyay sida uu shabeelku u weeraray haweenaydan 30 sano jirka ah.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Goob jooge lagu magacaabo Adam Wilkerson, oo duubay muuqaalkan ayaa u sheegay wargayska FOX NEWS in uu maqlay qof cabaadaya kadibna uu u orday si uu u caawiyo.

"Shabeelka gabadha dharkeeda ayuu ku dhagay, waxaan isku dayey inaan badbaadiyo aniga oo soo jiiday ilaa inta uu afka ka bixinayey."

Xarunta ayaa farriin ay ku baahisay baraha bulshada waxa ay qoyska gabadha ugu sheegeen inay ka xun yihiin waxa dhacay ayna caafimaad u rajeynayaan.