Iran 1979: Sawir ku saabsan kacaanyahanno, ama dhibanayaal kacaan? Maxaa ku dhacay xulafadii Khomeini?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Koowdii Febraayo 1979, Ayatollah Khomeini, waxa uu ka tegay dalka Faransiiska oo uu dibadjoog ku ahaa waxa uuna dalkiisa Iiraan ka bilaabay kacaan.
Taageerayaashiisa diyaaradda kula safrayay ayaa dabaaldegay markii loo sheegay in ciidammada cirka ee Iiraan ay diyaaradda soo ridi doonaan - oo waxa ay doonayeen inay shahiidaan.
Maalintaas ma aanay dhiman, hasayeeshee qaar badan oo ka mid ah ayaa dhintay sanadihii xigay, oo qaarkood waxaa lagu dilay gacmihii kacaanka.
Sawirka kore waxaa ka muuqanaya Ayatollah Ruhollah Khomeini, hogaamiyaha ruuxiga ah ee kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan, oo dib ugu soo laabanaya Tehran kaddib 15 sanadood oo uu dibad joog ahaa. Waxaa ku hareeraysan xulafadiisii aadka ugu dhaweyd kuwaas oo dhiman doonaba sanadihii xigay.
Waa guulihii kacaanka Iiraan ee 1979, hasayeeshee qaar badan ayaa waxoogaa kaddib waxaa galaaftay siyaasadihii ka jiray kacaanka dhexdiisa. Hal qof oo kaliya ayaa badbaaday. Halkan hoose ka akhriso waxa ku dhacay dadkii ay diyaaradda wada saarnaayeen Khomeini afartan sanadood ka hor.

Xigashada Sawirka, Getty Images
1.Morteza Motahari, waxa uu ahaa nin saameyn muhiim ah ku lahaa fikradaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Kowdii bishii May 1979 ayaa Mozteza Motahari waxaa lagu dhex khaarijiyay magaalada Tehran. Urur Islaami ah oo lagu magacaabo Forghan ayaa sheegtay mas'uuliyadda dilka. Ururka ayaa waxa uu ka soo horjeeday Jamhuuriyadda Islaamiga maadaama ay qaab kale u arkayeen dhaqanka Islaamka - aad ayey u xagjireen.
2.Hassan Lahouti Eshkevari, waxa uu aad ugu dhawaa Ayatollah Khomeini. Hasayeeshee kacaanka kaddib, waxa uu aad ugu dhawaaday madaxweynihii ugu horreeyay ee Iiraan, Bani Sadr, waxa ayna iskhilaafeen Ayatollah Khamenei (hogaamiyaha ruuxiga ah ee xilligan). Laba sanadood kaddib kacaankii, ayaa waxaa lagu tuuray xabsiga maalmo kaddibna waa uu dhintay. Qoyskiisa ayaa sheegay in ninkaasi la sumeeyay.
3.Ahmad Khomeini, waa wiilka Ayatollah Khomeini, gacantiisa midigna waa uu ahaa. Waxa uu bishii Maarso 1995 u dhintay wadna xanuun. Waxaa loo malaynayaa in qoyska Khomeini ay siyaasad ahaan u dhaw yihiin garabka isbadel doonka ah ee Iiraan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
4.Sadeq Qotbzadeh, waa wasiirkii arrimaha dibadda ee Iiraan kaddib kacaankii xilkaas oo uu hayay ilaa Agoosto 1980. Waxaa la dilay bishii September 1982, isagoo lagu eedeeyay inuu maleegayay dilka Ayatollah Khomeini iyo inuu afgambiyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
5.Abol Hassan Bani Sadr, waa madaxweynihii koobaad ee Iiraan kaddib kacaanka Islaamiga ah. Wuu isaga cararay Iiraan oo haatan dibadda ayuu ku nool yahay. Baarlamaanka Iiraan ayaa xilka ka qaaday isagoo dalka ka maqan 21 Juun 1981, isagoo lagu eedeeyay inuu u dhaw yahay koox ka soo horjeedda Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
6.Sadegh Tabatabayi, waa Ahmad Khomeini seedigii. Waxa uu soo qabtay dhowr jago oo dowladda ah kaddib kacaankii hasayeeshee markii dambe siyaasadda waa uu isaga baxay. Waxa uu Febraayo 2015 Jarmalka ugu geeriyooday kansarka ku dhaca sanbabka.
7.Dariush Forouhar ayaa laga yaabaa inuu sawirkan ku jiro. Waxa uu ka soo horjeeday dowladda ay wadaadada maamulaan, isaga iyo xaaskiisa ayaa waxaa xilay unug ka tirsan wasaaradda sirdoonka Iiraan sanadku markuu ahaa 1998.
Qaar badan oo ka mid ah dadkii Ayatollah Khomeini ku wehlinayay duulimaadkii kowdii Febraayo 1979 ayaa waxa ay dhibbane u noqdeen isbadellada siyaasadeed ee kaddib kacaankii. Laba waa la khaarijiyay, mid caadi ayaa loo dilay, mid "qaab aanan la garanayn" ayuu uu dhintay halka mid kalana dalka uu isaga cararay.
Waxa layaabka leh ayaa ah in ku dhawaad dhammaan dadkaasi - xitaa qoyska Khomeini - inay iska fogeeyeen inay qeyb ka yihiin dadka dalkaasi maamula.
Iiraan ayaa haatan waxaa maamula koox dadkaasi geba ahaanba ka duwan - oo ma jiro qof ka mid ah dadka u dhaw Ayatollah Khamenei (hogaamiyaha Ruuxiga ee xilligan) oo sawirka ku jira.










