Sawirro: Duullimaadkii Ethiopian Airlines ee Muqdisho

Mudane C/laahi Maxamed Warfaa oo keeg jaraya dayaaradda gudaheeda, waxaana la jaraysa duuliyaha

Xigashada Sawirka, Omar Faruk Osman

Qoraalka sawirka, Mudane C/laahi Maxamed Warfaa oo keeg jaraya dayaaradda gudaheeda, waxaana la jaraysa duuliyaha

Dayaaradda Ethiopian Airlines ayaa duullimaadkeedii ugu horreeyey ee rakaab ah maanta ku tagtay magaalada Muqdisho.

Dayaaradda oo nooceedu ahaa Boeign 737 waxaa saarnaa rakaab ku dhow 50, qof waxayna dullimaadkeeda Addis Ababa - Muqdisho ku samaysay in ka yar laba saacadood, ayadoo kabtanka dayaaraddana ay ahayd duuliye dumar ah.

Rakaabkii dayaaradda saarnaa waxaa ka mid ahaa qunsulka 1aad ee safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa, Cabdullahi Maxamed warfaa.

Wuxuu BBC u sheegay in duullimaadyadan ay muhiimad u leeyihiin ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Itoobiya labadaba.

"Ganacsiyada labada dal ayuu duullimaadkan sahlayaa, waxaana mar dhow bilaaban doona duullimaadyada qaada xamuulka, waana guul u soo hoyatay ganacsatada Soomaaliyeed" ayuu yiri Warfaa.

Wuxuu kaloo ka hadlay isu socodka rakaabka ee dunida dacalladeeda.

"Soomaalida waxay u leedahay muhiimad, sababtoo ah safarradii Addis Ababa loo aadi jiray waxaa loo mari jiray dalal kale, sidoo kale dadka ku sii jeeda dalal kale ee ku sii hakanaya Addis toos ayey dunida ugu xiraysaa" ayuu ku sii daray.

Seddex xafladood ayaa lagu kala qabtay Addis Ababa ka hor intii aysan dayaaraddu ka soo duulin, in yar ka hor intii aysan soo fariisan Muqdisho ayadoom hawada ku jirta, iyo garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Halkan ka daawo sawirro dheeraad ah

Adeeg lagu bixinayo dayaaradda gudaheeda

Xigashada Sawirka, Omar Faruk Osman

Qoraalka sawirka, Adeeg lagu bixinayo dayaaradda gudaheeda
Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya C/laahi Maxamed Warfaa

Xigashada Sawirka, Omar Faruk Osman

Qoraalka sawirka, Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya C/laahi Maxamed Warfaa
Dayaaradda oo soo fariisatay garoonka Aadan Cadde
Qoraalka sawirka, Dayaaradda oo soo fariisatay garoonka Aadan Cadde
Keegga loogu tala galay xafladdii ka dhacday Muqdisho
Qoraalka sawirka, Keegga loogu tala galay xafladdii ka dhacday Muqdisho
Cayaar dhaanto ah oo lagu soo dhaweeyey duullimaadka

Xigashada Sawirka, Omar Faruk Osman

Qoraalka sawirka, Cayaar dhaanto ah oo lagu soo dhaweeyey duullimaadka
Xafladda ka dhacday Muqdisho

Xigashada Sawirka, Omar Faruk Osman

Qoraalka sawirka, Xafladda ka dhacday Muqdisho
Qunsulka oo dayaaradda gudaheeda warbaahinta kula hadlaya

Xigashada Sawirka, Omar Faruk Osman

Qoraalka sawirka, Qunsulka oo dayaaradda gudaheeda warbaahinta kula hadlaya