Iiraan ma ka badbaadi doontaa cunaqabataynta?

Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani

Mareykanka ayaa cunaqabatayno hor leh kusoo roggaya dalka Iiraan, waxayna si rasmi ah u dhaqan galayaan maalinka berito ah. madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa si carro leh uga jawaabay cunaqabataynta.

'Waxaan shaki ku jirin in Mareykanku uusan guul ka gaari doonin shirqoolka cusub ee ka dhanka ah Iiraan iyagoona dib u guranayo tallaabo tallaabo' ayuu yiri Ruuxaani.

Iiraan waxay si wayn ugu tiirsan tahay shidaalka ay dibadda u dhoofiso, cunaqabataynta cusub waxay si darran u saamayn doontaa dhaqaalaha dalkaasi.

Dalalka Midowga Yurub waxay soo jeediyeen inay taageero u fidin doonaan shirkadaha xiriirka ganacsi la leh Iiraan inkastoo ay jiraan cunaqabataynta dib loogu soo celinayo dalkan.

Balse shirkadahan ayaa geli karaa halis ah in cunaqabatayn uu kusoo roggo Mareykanka gaar ahaan inay wax xiriir ganacsi ah aysan la samayn karin Mareykanka.

Mareykanka muxuu uga dan leeyahay cunaqabataynta?

Horrantii sannadkan, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay inay ka baxeen heshiiskii nukliyerka ay Iiraan la galeen sannadkii 2015-kii isla markaasna uu cunaqabatayn kusoo roggayo xukuumadda Iiraan.

Sannadkii 2016-kii ayay ahayd markii Mareykanka iyo dalalka kale ay cunqabataynta dhaqaale ka qaadeen Iiraan.

Mareykanka oo galaangal ballaaran ku leh ganacisga caalamka ayaa ka doonaya shirkadaha inay malgaashigii ay ku sameyn jireen shidaalka Iiraan ay ka noqdaan si dhaqaalaha dalkaasi dhulka loo geliyo.

Iiraan

Cunaqabataynta sidey u shaqayn doonto?

Tallaabooyinka Mareykanka waxaa kamid ah in shirkadaha ganacsiga la sameeyo Iiraan meesha laga saaro.

Xayiraad dhanka Baananka ayuu Isniinta kusoo roggaya Iiraan, bishii Agosto tallaabooyinka waxaa kamid ahaa inaysan wax ganacsi ah la samayn doonin shirkadaha dahabka Iiraan.

Iiraan waa dalka afaraad ee caalamka ugu shidaalka soo saarista badan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Iiraan waa dalka afaraad ee caalamka ugu shidaalka soo saarista badan

Mareykanka wuxuu si cad u sheegay inuu gebi ahaanba jarayo xiriirkii ganacsiga uu la lahaa xukuumadda Tehraan balse siddeed dal ayuu u ogolaaday inay si wataan xiriirkii ganacsi ay la lahaayeen Iiraan isla markaasna ay dhimaan badeecadaha ay kasoo dhoofsadaan dalkaasi, dalalkaasina waxaa kamid ah Talyaaniga,Hindiya, Japan, Kuuriyada Koonfureed iyo dalal kale.

Shirkadaha ganacsiga

Si shirkadahan loogu ogolaado inay xiriir ganacsi la sameeyaan Iiraan ayna ka fogaadaan tallaaboyinka uu kusoo rogi karo Mareykanka. Midowga Yurub waxay qorsheynayaan inay hergeliyaan nidaam lacagaha qaabilsan kaaso shirkadahan u ogolanayo inay la macaamilaan Iiraan.

gaas

Iiraan waxay lacagaheeda caddaanka ah badeecadaha uga soo iibsan kartaa dalalka ka tirsan Midowga Yurub iyadoo u sii mareyso nidamka lacagaha qaabilsan, lagana maarmi karo lacagta Mareykanka.

Richard Nephew oo ah cilmi baare sare oo ka tirsan jaamaacadda Colombia kuna takhasusay dhaqaalaha ayaa sheegay in dhaqaalaha Iiraan uu ku tiirsan yahay nidaamka dhaqaalaha ee Mareykanka.

Cunaqabatayntii ugu dambeysay ee Iiraan lagu soo roggay intii u dhexeeysay sannadihii 2010-kii iyo 2016-kii,waxay horseedeen inay hoos u dhacaan kala bar shidaalkii ay Iiraan u dhoofin jirtay dalalka caalamka.