Madaxwayne Trump oo difaacay Sacuudiga

Mike Pompeo iyo Maxamed Binu salmaan

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Mike Pompeo iyo Maxmed Binu salmaan

Madaxwayne Trump ayaa waxa uu cambaareeyay cadaadiska sii kordhaya ee dunida ay ku hayso boqortooyada Sacuudiga ee ku saabsan saxafiga la waaayay, Jamal Khashoggi.

Waxa uu sheegay in eedeynta loo soo jeedinayo boqortooyada, ka hor inta aan xaqiiqada la ogaan, ay tahay mid muujinaysa kiis kale oo ah in iyada oo aan la caddayn dambiga lagu qirayo la iska eedeynayo.

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Binu Salmaan uu u sheegay in uu socdo baaritaan buuxa oo lagu samaynayo maqnaanshiyaha saxafiga Sacuudiga u dhashay Jamaal Khashoggi.

Khashoggi ayaa ahaa nin si wayn u dhaliila qoyska boqortooyada Sacuudiga.

Mr Trump ayaa sheegay in dhaxalsugaha uu dafiray in uu wax ka ogaa waxa ka dhacay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul labo taddobaad ka hor.

Saxafiga ayaa labo toddobaad ka hor galay dhismaha qunsuliyada, balse waxii xilligaasi ka dambeeyay ayaa la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay.

Mar sii horeysay ayaa madaxwayne Trump waxa uu sheegay in laga yaabo in maqnaanshiyaha saxafigan ay ku lug leeyihiin waxa uu ugu yeeray "dad dhagarqabayaal ah".

Wariyaha BBC ee arrimaha ammaanka ayaa sheegaya in arrinta wariyahan la waayay ay wax u dhimi karto sumcadda dhaxalsugaha Sacuudiga, Maxamed Binu Salmaan.

Horay ayaa waxay dowladda Mareykanka u sheegtay in madaxda Sacuudiga ay balanqaadeen in baaritaanada ay noqon doonaan kuwa hufan oo waqtigii loogu talagalay lagu soo gabagabeeyo.

Waxa jira warar aan la xaqiijin oo tibaaxaya in xukuumadda Sacuudiga ay isu diyaarinayso in ay qirato in saxafigan la dilay xilli baaritaan iyo su'aalo waydiin lagu guda jiray.

Waxaa sii kordhaya cadaadiska lagu hayo boqortooyada Sacuudiga ee ku saabsan in ay meel ku sheegaan saxafiga Jamaal Khashoggi.

Sacuudiga waxa ay beeniyeen in saxafigan lagu dhex dilay qunsuliyadda, waxa ayna sheegeen in uu halkaasi ka soo baxay markii loo dhameeyay howlihii uu u tagay.