Sida loo ilaalin karo wariyeyaasha ku sugan jiidda dagaalka ee Afqanistaan oo ah meesha ugu dhimashada badan

Xigashada Sawirka, AFP
Sannadkan dalka Afqaanistaan waxaa lagu dilay suxufiyiin ka badan kuwa lagu dilay dhamaan dalalka kale ee caalamka.
Inkastoo uu wali socdo tartanka ku aaddan in lagu kala hor maro goobaha ay wax ka dhacaan, wuxuu cadaadis saaran yahay xarumaha warbaahinta, kuwaasoo laga doonayo iney xaqiijiyaan nabadgelyada suxufiyiinta u shaqeeya, sida ay ku soo warrantay wariyaha BBC-da Najiba Feroz.
5-tii bishii Siteembar, Wariye ka tirsan warbaahinta Tolo News oo lagu magacaabo Samim Faramarz ayaa si toos ah uga soo warramayay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Kabul. Daqiiqado yar ka dib, weerar labaad oo ka dhacay isla goobta ayey ku dhinteen isaga iyo ninkii kaamirada u duubayayba.
Qarax gaari loo adeegsaday ayaa lagu bartilmaameedsaday gargaarka degdega ah ee goobtaas laga sameynayay. Isku darka 26 ruux ayaa halkaas ku geeriyootay, 70 kalena way ku dhaawacmeen, waxaana ku jiray shan wariye oo kale.
Aman Farhang, oo ah 26 jir u warramayay warbaahinta 1TV ayaa ka mid ahaa dadka dhaawacmay.
"Waxaan ku dhawaa goobta uu ka dhacay qaraxa hore waxaana isku dayayay inaan la hadlo dad goob joogeyaal ahaa" ayuu yiri. "Si lama filaan ah ayaan u maqlay dhawaaq weyn waana dhacay. Waxaan damcay inaan istaago laakiin waan awoodi waayay, durba waxaan arkay dad fara badan oo rafanaya. ka dib, waxaan soo miyirsaday anigoo isbitaalka jooga".
Kaasi wuxuu ahaa weerarkii labaad ee xeeladda noocaas ah loo adeegsado oo dhaca afar bilood gudahood - waxaa dhaca qarax lala eeganayo dadka ku xoomay iyo kuwa gargaarka u fidinaya dadkii wax ku noqday qaraxii hore iyo saxafiyiin tabineysa.
30-kii bishii Abriil, magaalada Kabul, 26 ruux oo ay ku jiraan 9 wariye ayaa lagu dilay qaraxyo mataano ah. Mid ka mid ah dadkii halkaas ku dhintay wuxuu ahaa sawir qaade caan ah oo lagu magacaabi jiray Shah Marai.
Weerarkaasi wuxuu ahaa kii ay dhimashada ugu badan ka soo gaartay suxufiyiinta ee ka dhacay dalka Afqaanistaan tan iyo sannadkii 2001-dii. Qaraxa hore waxaa fuliyay qof watay Mooto, midka labaadna wuxuu ku xigay qiyaastii 15 daqiiqo ka dib.

Iyadoo ay sii xoogeysaneyso xeeladda adeegsiga qaraxyada mataanaha ah, haddana warbaahinta Afqaanistaan ayaa wali ku dhaqanta qorshihii caadiga ahaa ee saxafiyiinta loogu diri jiray goobaha ay weerarrada ka dhacaan, iyagoo isla markiiba suxufiyiin u dira goobaha ay wax ka dhacaan si ay toos ugu soo warramaan.
Tifaftireyaasha wararku ma wax bay baranayaan?
Ka dib markii ay labo ka mid ah wariyeyaasheeda ku weysay weerarkii dhacay 5-tii Siteembar, warbaahinta Tolo News oo ah Telefishinkii ugu horreeyay haddana ugu weyn ee Afqaanistaan wararka ka tabiya 24 saacadood, ayaa soo saartay tilmaamo hagitaan ah oo ku saabsan sida ay suxufiyiinta u tabinayaan wararka ku saabsan dhacdooyinka la xiriira amni darrada.
Lotfullah Najafizada, oo ah madaxa Tolo News ayaa BBC-da ku yiri: "hal shey oo aan dib uga fikireyno waa masaafada aan u jirsaneyno goobta ay wax ka dhaceen. Mustaqbalka, waxaan masaafe dheer u jirsan doonnaa meelaha ay ka dhacaan qaraxyada ismiidaaminta ah, mudaharaadyada iyo musiibooyinka dabiiciga ah. Waxaa sidoo kale muhiim ah in suxufiyiinteennu ay heystaan dhammaan qalabka badbaadada ee loo baahan yahay, waana iney xiriir joogto ah la yeeshaan ciidamadeenna ammaanka".
Mr Najafizada wuxuu sidoo kale ka hadlay in sare loo qaado xaqiijinta amniga goobaha loo dirayo wariyeyaasha iyo in la siiyo tababar heer sare ah oo ku saabsan sidii ay ugu badbaadi lahaayeen goobaha ay colaadaha ka jiraan.
Tartan qiime badan ku kaca
Balse BBC-da ayaa la hadashay tiro suxufiyiin ah iyo ragga kaamirada duuba oo la shaqeeya warbaahin kala duwan oo ka howl gasha Afqaanistaan, dhammaantoodna si buuxda uma qabaan tababarrada iyo qalabka ay u baahan yihiin.
Aman Farhang oo ku dhaawacmay weerarkii dhacay 5-tii Siteembar wuxuu u shaqeynayay warbaahinta 1TV muddo 5 bilood ah oo kaliya. Wuxuu sheegay inuusan marin wax tababar ah oo la xiriira sida loogu badbaado meelaha ay colaadda ka jirto.

Xigashada Sawirka, AFP
Emad Roustaei wuxuu isla telefishinkaas la shaqeynayay tan iyo sannadkii 2014-kii, hal mar oo kaliya ayuuna qaatay tababarka noocaas ah.
Sannadkan waxaa Afqaanistaan lagu dilay wariyeyaal ka badan kuwa ku dhintay dalalka kale ee dunida, sida ay shaacisay hay'adda Suxufiyiinta aan xuduudda lahayn.
Tartanka u dhaxeeya warbaahinta ayaa noqday mid uu ka dhasho khasaare fara badan oo soo gaara suxufiyiinta ka howl gasha Afqaanistaan.

Xigashada Sawirka, 1TV
Warbaahin xaqiiqda ku saleysan oo da' yar u badan ayaa ka abuurantay dalka Afqaanistaan wixii ka dambeeyay dagaalkii dalkaas ka qarxay sannadkii 2001-dii.
Hase ahaatee ururrada warbaahinta ayaa caqabad xoog leh kala kulmaya shaqadooda waxayna si joogto ah handadaad uga helaan kooxo kala duwan.
Hay'adda suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ayaa sheegtay in 60 wariye lagu dilay dalka Afqaanistaan 17-kii sano ee la soo dhaafay gudahooda.
Aman Farhang ayaa sheegay inuu qaatay cashir ku filan. "Hadda ka dib si weyn ayaan ammaankeyga uga taxadari doonaa, mana u dhawaan doono meelaha ay qaraxyada bambooyinka ka dhacaan, xitaa haddii aan shaqadeyda ku weynayo" ayuu yiri.










