Ingiriiska: Wiil Soomaali ah oo loo xukumay darooga uu uga ganacsan jiray dalkaasi
Nin daroogada ka ganacsada oo dhallinyaro u kaxeystay si ay ugu iibiyaan maandooriyeyaasha heroin-ta iyo cocaine-ta isagoo adeegsanaya "isgaarsiinta taleefanka" ayaa lagu xukumay 14 sano oo xabsi ah.
Zakariye Maxamed, oo 21 sano jir ah ayaa carruurta abaabulay ka hor inta uusan ka soo kaxeynin magaalada Birmingham, kaddibna wuxuu geeyay miyiga deegaanka Lincolnshire.
Saraakiisha booliska ka howl gala West Midlands ayaa sheegay in tani ay tahay markii ugu horreysay oo xukun lagu rido qof ka ganacsada daroogada oo carruurtana adeegsada, iyadoo la waafajinayo xeerarka addoonsiga dunida casriga ah.
Wiilkan ayaa qirtay dacwadda ku saabsan inuu si qarsoodi ah oo sharci darro ah ku kala gudbinayay maandooriyeyaasha heerka ugu sarreeya iyo kaxeynta carruurta.
Booliska ayaa sheegay in Maxamed uu aad ugu dadaalayay sidii uu u soo jiidan lahaa, saaxiibna ula noqon lahaa carruurta ay da'dooda u dhaxeyso 14 ilaa 15 sano, si ay ugu suurta gasho iney heer u gaarsiiyaan ganacsigiisa maandooriyeyaasha.
Carruurtii horay loo waayay ee laamaha ammaanka lagu wargeliyay iney maqan yihiin ayaa dib loogu soo helay weerarro gaadmo ah oo ay booliska ku qaadeen guryo ku yaalla Lincoln, halkaasoo sidoo kale laga soo qabtay lacago, daroogooyin iyo hub.

Xigashada Sawirka, Police handout
Ugu yaraan mid ka mid ah qolalka ay ku jireen dhallinyarada ayaa lagu sheegay iney ka jirtay "nadaafad xumo", mana jirin wax raashiin ah oo ay heysteen, walow booliska ay aaminsanyihiin in Maxamed uu maalin kasta helayay lacag gaareysa ilaa £500 oo gini.
Inkastoo la rumeysanyahay in ilaa 10 carruur ah inay arrintan ku lug lahaayeen, Maxamed ayaa loo maxkamadeeyay inuu kaxeystay labo wiil oo laga helay guriga la weeraray iyo hal gabar oo uu tareen soo saaray.
Garsooraha maxkamadda Birmingham Crown Court oo ku dhawaaqay xukunka ayaa yiri: "Xaqiiqadu waa in carruurta lala maqnaa maalmo ama isbuucyo, waxaana la galiyay khatar muuqata oo ay kala kulmi kareen deegaanka aan habbooneyn ee la geeyay".
Maxamed wuxuu lahaa door "saameyn leh" oo uu ku fulinayay amar lagu siiyay inuu bixiyo lacago deyn ah oo looga lahaa ganacsiga daroogada.
"Kaalinta aad qaadatay waxay ahayd inaad ka faa'iideysato sida ay u jilicsanyihiin carruurta", ayuu yiri garsooraha.

Xigashada Sawirka, Police handout
Saraakiil ka tirsan booliska ayaa billaabay baaritaanno ay la kaashanayaan booliska ka howlgala deegaanka Lincolnshire, kadib markii labo wiil oo 15 sano jir ah oo horay looga waayay guryahooda oo ku yaalla magaalada Birmingham 25-kii bishii Janaayo laga helay guri ku yaalla waddada Yarborough.
Kormeerro khuseeya arrintan oo macluumaadkooda la isku halleyn karo ayaa muujiyey in Maxamed uu si joogto ah u safri jiray isagoo inta badan ay la socdaan dhallinyaro, uuna tagi jiray meelo ka mid ah deegaanka Lincoln, sida ay booliska sheegeen.
Bishii Febraayo ayay booliska istaajiyeen gaarigiisa, waxaana laga helay taleefan uu u adeegsan jiray ganacsiga daroogada, kaasoo ay ugu jireen lambarrada in ka badan 100 ruux oo macaamiil ah.

Xigashada Sawirka, Police handout
Gaariga ayaa sidoo kale laga helay noocyo ka mid ah dharka ay carruurta iskuullada ku aadaan, qeyb ka mid ah dharkaasna waxaa lahaa cunug ay waayeen qoyskiisa oo daggan magaalada Birmingham.
Tijaabooyin baaritaanno ah oo lagu sameeyay cabitaanno laga helay gaariga dhexdiisa ayaa laga helay DNA-da labo wiil oo ay da'dooda tahay 15 sano, kuwaasoo la soo tabiyay iney magaalada ka maqnaayeen.
Maadaama ay gaarigiisa booliska gacanta ku hayeen, Maxamed ayaa mar dambe la arkay isagoo kireysanaya gawaarida nooca loo yaqaanno Taxi-ga, isagoo ay la socdeen carruur uu u kaxeynayay dhanka deegaanka Lincoln.
Kaamirada CCTV-ga ayaa qabatay isagoo bishii Maarso tigidho tareen ka iibsanayay waddada New Street ee magaalada Birmingham, xilligaasoo uu u iibinayay wiil iyo gabar.
Booliska magaalada Lincolnshire ayaa muuqaallo ka duubay carruur daroogada u gudbineysa dad macaamiil ah, waxaana kala gudbinta lacagta lagu iibiyo ay mararka qaar soo dhaceysay 10 ama 15 daqiiqo oo kasta kadib.

Falanqeyn
Sima Kotecha, Wakiil wareedka Midlands
Booliska ka howl gala West Midlands ayaa ku faraxsan iney shaaciyaan kiiskan, maadaama ay laamaha amnigu aaminsanyihiin iney wax loo baahnaa tahay tallaabada caddaaladda lagu mariyay Maxamed.
Hase ahaatee, hay'ado samafal ah ayaa BBC-da u sheegay in noocan kaxeysashada carruurta ah uu yahay mid ka sii ballaaran kara inta aan ku fakareyno, isla markaana loo baahanyahay in laamaha booliska ay "dadaal dheeri ah" ku bixiyaan sidii lagu ogaan lahaa dadka masuulka ka ah arrimahaas.
Carruurta la adeegsaday waa kuwo daciif ah waxayna aad ugu badantahay ineysan awood u lahayn iney booliska macluumaad u soo gudbiyaan, si ay laamaha sir doonka ugu suurta gasho helitaanka hababkii lagu soo badbaadin lahaa.
Kiiskan guusha weyn laga gaaray wuxuu tooshka ku ifinayaa sida carruurta loogu soo xirto guryaha, oo xitaa iyadoo lagu jiro qarniga 21-aad loo addoonsado.
Waxaa sidoo kale jirta in carruurta la soo badbaadiyay laftooda aysan waligood maskaxdooda ka go'eynin dhibaatadii loo geystay, ayna habeen walba ku qarwayaan.

Maxamed ugu dambeyn waxaa la xiray isagoo gaari ku dhex wada magaalada Lincoln.
Booliska ayaa yiri wuxuu ahaa "Nin aad mashquul u ah, oo ku nool nolosha dadka ganacsiyada waaweyn kala haga, saacado badan wuxuu seexan jiray goobaha tareennada laga raaco iyo waddooyinka dhinacyadooda, isagoo maalin kastana carruurta u qaadi jiray taleefannada isgaarsiinta ah iyo daroogada".
Maxamed ayaa horay u qirtay afar nooc oo dacwo ah oo lagu soo oogay, kuwaasoo kala ah iibinta daroogada heroin, crack cocaine iyo shan dacwadood oo ku saabsan abaabulka iyo kharash gareynta safarrada dad kale oo uu damacsanaa inuu si khaldan u adeegsado.











