Shirkadda Astaan ee Soomaaliya oo shaqo siisay Abuubakar Axmed Xuseen

Xigashada Sawirka, Astaan
- Author, Cabdinaasir Saxansoxo
- Role, BBC Somali, Nairobi
Sanadkii lasoo dhaafay ee 2017-ka waxaa jaamacadaha magaalada Muqdisho oo kaliya ka qalinjabiyay 11 kun oo arday, waxayna u badantahay in sanad kasta tiradaas iyo ka badan ay qalin jabin doonaan.
Balse dhibka jira ayaa ah in dhallinyaradaas aysan shaqo ka helin dalka gudihiisa, shaqooyinka yar ee jirana ay adagtahay in la helo maadaamaa eex iyo qabiil lagu saleeyo shaqo bixinta sida ay sheegeyso hay'adda Iftiin ee qaabilsan arrimaha waxbarashada.
Dadka jaamacadaha ka qalinjabiyay waxaa ka mid ah Abuukar Axmed Xuseen oo bartay culuumka seeyniska kumbuyuutaraadka, wuxuuna shaqo doon ahaa muddo labo sano ah.

"Kadib markii aan waayay oo qaababkii caadiga ahaa oo ah in CV la geeyo shirkad ama xarun shaqo laga rabo , oo aan aad ugu daalay, ayaa igu kalifay in aan qaabkaan isticmaalo" ayuu yiri Abuukar oo ka hadlayay tallaabo la yaab leh oo uu qaaday si uu shaqo u helo.
Abuukar waxa uu boor weyn ku dhajiyay waddada wadnaha ee magaalada Muqdisho, wuxuuna ku xardhay sawirkiisa, magaciisa iyo taleefoonkiisa, kuna qoray kalmadda ah "I Shaqaaleeysii".
Kadib 48 saac oo baraha bulshada aad loogu faafiyay sawirka boorka, ayaa laga jawaabay codsigii Abuukar, waxaana soo wacay wax ka badan 20 shirkadood oo shaqo usoo bandhigay.
Balse waxa uu Abuukar xushay shirkadda Astaan Media oo ah shirkad weyn oo ka hawlgasha magaalada Muqdisho, waxaana goobtiisa shaqo ku booqday wariyaha BBC-da Axmed Xaaji Xasan.
Isaga oo ku guda jira shaqo maalmeedkiisii caadiga ahaa, ayuu Abuukar sheegay in ay hadda u badantahay in uu iska dhiibi doono deyn $70 doolar ah oo uu ka qaatay nin saaxiibkiis ah si uu ugu sameeyo boorkii shaqada u horseedday.
Shaqo Diidnimo

Ka sokoow shaqo la'aanta baahsan, iyo shaqooyinka eexda lagu bixiyo, waxaa jira arrin kale oo aanan la dhaliilsan karin, taasna waxa ay tahay in dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa wax bartay ay quursadaan ama diidaan shaqooyinka qaar.
Wariyaha BBC-da ka tirsan oo dhawaan Muqdisho booqday waxa uu hoteelada magaalada kula kulmay dhallinyaro badan oo kasoo jeedda gobolada Waqooyi , kuwaas oo ka shaqeeya hoteelada, kana qabta shaqooyinka marti-soorka.
In shaqooyinka la kala xusho waxaa daliil u ah in jaamacadaha caasimadda iyo meelo badan oo dalka ka mid ah aysan bixinin taqasuska marti-soorka iyo adeegyada hoteelada, inkasta oo shaqooyinka ugu badan ee dalka ka banaan ay yihiin kuwaas.
Cabdiqaadir Maxamed oo ka tirsan hay'adda Iftiin ayaa BBC-da u sheegay in cilladaha shaqo la'aanta ee jirta ay xitaa ka mid tahay in dad ajaaniib ah ay qabtaan shaqooyinkii dhallinyarada Soomaaliyeed ay qaban lahaayeen.
Dad badan ayaa waxa ay isku raacsanyihiin in shaqo la'aanta dhallinyarada ay horseedi karto amni daro, iyo tahriibka oo bata.











