Maxay dawladda Soomaaliya u go'aansatay in la joojiyo gawaarida uu isteerinkoodu midigta xigo?

Xigashada Sawirka, Mogadishu Journal
Maamulka gaadiidka ee Soomaalia ayaa lagu wadaa iney dhaqan geliyaan shuruuc la xiriirta habka isticmaalka gaadiidka iyo waddooyinka, halka shacabkuna ay ku jahwareersan yihiin sida ay gawaarida isaga ilaalin lahaayeen, marka ay jidadka marayaan.
Nabadgalyada waddooyinka ayaa muhiim u ah dal kasta oo caalamka ku yaalla, iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay ay aad u soo badanayeen dadka isticmaala gaadiidka.
Inta badan shilalka ka dhaca Soomaaliya ee saameeya dadka lugeynaya, kuwa gaadiidka wada iyo rakaabkaba waxaa intooda badan sababa is-faham-waa la xiriira sida loo isticmaalo waddooyinka iyo sharciga gaadiidka loogu tala galay iney waddooyinka u maraan.
Dadka ku nool magaalada Muqdisho waxa ay walaac xoogan ka muujinayaan sida ay nabadgalyo ugu heli karaan waddooyinka, maadaama ay aad u yar yihiin gaadiidka sida saxda ah u isticmaala jidadka, iyo waliba kuwa sharcigii loogu tala galay waafaqsan.
Waxaa sidoo ay dadweynuhu tuhunsan yihiin iney jiraan darawaliin badan oo aan lahayn xirfad ku filan oo ay ku qaadaan masuuliyaddaas baaxadda leh.
Dhinaca kale waxa uu dhib ka taagan yahay in aan si joogto ah loo raacin sharciga seedka waddooyinka Soomaaliya oo ah in gaadiidka ay ku ekaadaan dhanka midig, marka laga reebo iney si taxaddar leh ku dhaafayaan gawaari kale.

Xigashada Sawirka, Reuters
Mamnuucista gawaarida Isteerinka ku leh dhanka Midig
Arrinta kale ee taas ka sii khatarta badan ayaa ah in ay waddooyinka Muqdisho iyo magaalooyinka kaleba ka howl galaan gawaari isteerinkooda uu ku yaallo dhanka midig.
Sharciga ayaase ah in haddii uu seedka waddada yahay midig ay gawaariduna isteerinka ku lahaadaan dhanka bidix, si ay u yaraato halista ka dhalan karta inuu darawalka xakameyn waayo gaariga inta uu jidka ku jiro.
Mas'uuliyiinta maamulka gaadiidka ee Soomaaliya ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in waddooyinka ay ku socdaan gawaarida aan waafaqsaneyn xeerka waddada.
Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya, Cali Gacal Gaaboow ayaa sheegay in dhawaan la dhaqan galin doono sharcigaas, isla markaana aysan dekadaha ka soo degi doonin baabuuta uu isteerinkoodu ku yaallo dhanka midig.
Gadiidleyda ayaa loo qabtay muddo dhowr bilood ah, ka hor inta aan sharcigaas la dhaqan galinin.
Agaasime Gacal ayaa sidoo kale sheegay in la kala sooci doono baabuurta ganacsiga iyo kuwa kale, kuwaasoo lambarro gaar ah oo lagu aqoonsado la siin doono marka ay dekedda ka soo dagaan.

Xigashada Sawirka, Falaar.com
Waa kuwee noocyada gaadiidka ee ugu badan jabinta sharciga?
Abuukar Ibraahim Axmed oo muddo 40 sano ah macallin ka ahaa baridda gaari wadista ayaa BBC-da u sheegay in iyagu ay dadka si wanaagsan u baraan xirfadda iyo shuruucda gaadiidka iyo waddooyinkaba, isla markaana ay ka caawiyaan ruqsadda kaxeynta gaadiidka oo ay dowladda u sii maraan.
Hase ahaatee, wuxuu ka dhawaajiyay in darawaliinta markii ay wax barashada dhammeystaan ay dhinacooda uga biiraan jabinta shuruucda waddooyinka oo horayba u sii socotay.
Gaadiidka ugu badan ee xadgudubyada ka geysta waddooyinka ayuu ku tilmaamay afarta nooc ee kala ah:-
Bajaajta - oo waayadii dambe si weyn ugu soo batay waddooyinka Muqdisho.
Hoomeyda - oo ah nooc ka mid ah gawaarida dadweynaha ee BLka loo yaqaanno
Dhagaxleyaasha - gawaarida waaweyn ee ka shaqeeya ganacsiga dhagaxa.
Cabdi bileyaasha - oo ay inta badan adegsadaan laamaha kala duwan ee dowladda.

Xigashada Sawirka, Jowhar.com
Xalku muxuu yahay?
Abuukar ayaa sidoo kale wareysiga uu siiyay BBC-da ku sheegay in xalka mushkiladda ku saabsan isteerinka gaadiidka uu yahay labo mid.
Tan koowaad oo ah in la raaco amarka dowladda ee ah in la joojiyo gaadiidka uu isteerinka uga yaallo dhanka midig, si loo waafajiyo sharciga waddada.
Iyo tan labaad oo ah in la baddalo xeerka waddada, oo meeshii uu markii hore seedka ka ahaa midigta laga dhigo bidixda.
Kenya oo daris la ah dalka Soomaaliya, inta bandanna uu dhex maro dhaqdhaqaaq shacab, ayaa sharciga waddooyinkeeda waxay gaadiidku ka maraan dhanka bidix, inta badan gawaaridana isteerinka wuxuu uga yaallaa dhanka midig.

Xigashada Sawirka, Keydmedia
Saxmadda gaadiidka!
Dhibaatooyinka kale ee ka dhasha ku xadgudubka xeerka waddooyinka waxaa ka mid ah mashquulka baabuurta oo mararka qaar ku xannibma jidadka.
Nin ka mid ah dadka gaadiidka ku isticmaala Muqdisho oo ka gaabsaday in magaciisa la soo xigto ayaa BBC-da u sheegay in maalin kasta uu shaqada uga daaho saxmadda baabuurta awgeed.
"Subax walba waa inaan ku sii tala galo waqtiga aan ku qiyaasayo inuu iga cuni doono mashquulka waddada, waana inaan xilli hore sii baxo, waayo waxaan dhibaato ku qabaa xilliga shaqada la iska xaadiriyo oo aan ka dib dhaco maalin kasta" ayuu yiri.
Saraakiisha maamulka gaadiidka Soomaaliya ayaa qaba in mashquulka gaadiidka qudhiisa ay sabab u tahay sida ay gawaarida uga tallaabsadaan sharciyada loogu tala galay waddada.
Wasaaradda gaadiidka ayaa sheegtay in la dhaqan galin doono dhammaan shuruucdii gaadiidka ee ay Soomaaliya lahaan jirtay.










