Diinta Islaamka maxay ka qabtaa haybsooca?

Qoraalka Codka, Diinta Islaamka maxay ka qabtaa cunsuriyiinta dadka iyo qof islaam ah la gubo

Waxaa maalmahan aad loo hadal hayay dilka nin u dhashay beelaha Jareer weyn oo la sheegay in loo dilay heyb sooc, kadib markii wiil uu adeer u yahay la sheegay inuu guursaday gabar kasoo jeeda mid kamid ah beelaha Soomaalida.

Dad badani aad uga caroodeen qaabka ninkaasi loo dilay. Marxuumka dhintay ayaa waxaa la sheegay in isagoo meyd ah la gubay, kadib markii qoyska gabadha ay soo weerareen.

Haddaba diinta Islaamka maxay ka qabtaa cunsuriyiinta dadka iyo qof islaam ah la gubo. Waxaan khadka telefoonka kula xiriirnay Fadiilatu Sheekh Cabdullaahi Xasan Xaashi Barbaraawi oo jooga magaalada Hargeysa..

Wuxuu u warramay Weriyaha BBC-da Cabdi Xaafid Cawil Ismaaciil.