Ma waxqabadka Faysal baa Dhagax Buur ka saaray xayndaabkii qabyaalad xil ku qaybsiga?

Faysal Cabdiqaadir

Xigashada Sawirka, FAYSAL/FACEBOOK

    • Author, Xasan Cabdullahi Haybe
    • Role, Soosaare, BBC Soomaali

Xukuumadda Cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa meesha ka saartay hannaankii shaqaalaysiinta ee dib u curashada loo yaqaannay, kaas oo ahaa in masuuliyiinta dawladda loo badalo gobol aan ahayn midkii uu u dhashay.

Masuuliyiinta gobollada, Degmooyinka iyo maamul magaalada ayaana billaabay in ay shandadohooda ka xirxirtaan goobihii ay badalka ugu joogeen.

Iyada oo hadda ay si xawli ah u socoto maamul dhisidda xukuumadda ee heerarka kala duwanna waxaa soo if baxday in qabaaillo badan ay caddaysanayaan damacooda.

Balse shacabka magaalada Dhagax Buur ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa ka tallaabay xayndaabkii qabiil wax ku qaybsiga, waxayna go'aansadeen in ay magaalada shaqo ka siiyaan Faysal Cabdiqaadir oo dib u curasho magaalada loo keenay.

"Shaqaalihii kale ee naloo keenay iskumayna kalsoonayn, balse isagu wuu isku kalsoonaa, Illaahay ayuu ku kalsoonaa, diintiisa ayuu ku kalsoonaa, shacabkiisana wuu ku kalsoonaa wuuna u damqan jiray," ayuu yiri Cabdiqaadir Xasan Haybe oo ka mid ah aqoon yahanka magaalada Dhagax buur oo BBC-da uga warramay arrintan naadirka ka ah deegaanka ee magaalada Dhagax Buur ka dhacday.

CABDIQAADIR HAYBE

Xigashada Sawirka, CABDIQAADIR

Haddaba su'aasha dad badan ku soo dhacaysa ayaa ah maadaama oo ay jiraan dhallin yaro wax baratay oo Dhagax Buur u dhalatay maxaa fursadoodii loo hareer mariyay.

"Dadku waxay xulanayeen cidda u shaqayn karta, waxaadna moodaa in ay dadku gaareen nooc bisayl ah oo ay eegayaan yaa dadka u roon oo wax qaban kara inkastoo ay qabyaalad jirto, dad badan ayaa soo dhawaynaya iyo kuwii uu u naxariisan jiray, kuwii yaqaanay Faysal sii joogitaankiisa way ku farxeen 100%, kuwii aan aqoonin markaan uga sheekaynay way ku qanceen". Ayuu yiri Cabdiqaadir Xasan Haybe.

Laanta Afka Soomaaliga ee BBC ayaa Faysal waydiisay sababta uu ku kasbaday quluubta reer Dhagax Buur?

"Dadku waxay isku jeclaadaan waa daacadnimada, magaaladuna magaaladeydii oo kale unbay ii ahayd, ra'yiga dadkana waan qaadan jirnay". Ayuu yiri Faysal oo ahaa madax xafiiskeedka waxbarashada magaalada Dhagax Buur.

Faysal wuxuu sheegay in marka laga soo tago wax ka qabashada baahiyaha waxbarashada maadiga uu culimada iyo macallimiinta quraanka la qaban qaabin jiray tartammo quraanka Kariimka ah, culimadana uu dacwada kala shaqayn jiray.

"Waa arrin mucjiso ah, Arrinta (ka dhacay Dhagax Buur) waxayna cashir u tahay dhammaan dadka uu qabiilku madax maray, dadku waxay moodaan in khamrida uun lagu sakhraamo laakiin, maanta waxaad arki jilib hoose oo afar nin kala wata mana kala dhacaan, marka waa in la dhoho kee ina samato bixin kara, Dhagax Buurna in lagu daydo ayay ahayd". Ayuu yiri Faysal.