Xarunta dhimirka ee Qabri-dahare oo dhaqaale loo la'yahay

Qoraalka Codka, Xarunta dhimirka ee Qabri-dahare oo dhaqaale loo la'yahay

Dhankaa iyo Itoobiyana, magaalada Qabri-Dahare ee dowlad deegaanka Soomaalida waxaa ku yaal xarun caafimaad oo lagu daryeelo dadka qaba xanuunnada dhimirka.

Xaruntan oo lagu magacaabo MIYIR ayaa waxaa gacanta ku haya gabdho qurba joog ah oo qaaraan ay iska soo uruuriyeen ku dhisay balse hadda waxa ay sheegayaan in xaaladdu ku adag tahay oo aysan u hayn dhaqaale ay ku sii wadaan.

Sahra Cabdi Guhaad waa maamulaha xaruntani MIYIR waxa ayna xaaladda xaruntan iyo caqabadaha ay wajahayaan uga waran tahay weriyaha BBC-da Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam.