Orodyahan reer Kenya ah oo rikoor cusub dhigay

Xigashada Sawirka, .
Eliud Kipchoge oo u dhashay dalka Kenya ayaa ku guulaystay tartanka orodka adduunka ee ka socda magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.
Wuxuu jebiyay rikoorkii u yaallay tartankan isagoona ku ordday 2 saacadood, hal daqiiqo iyo 39 ilbiriqsi.
Kipchoge oo 33 jir ah ayaa noqday orodyahankii ugu horreeyay ee ku ordda wax ka yar 2 saacadood iyo 2 daqiiqo.
Kipchoge ayaa sidoo kale lagu tiriyaa inuu kamid yahay orodyahanada ugu wanaagsan dunida ee wacadaraha dhigay.
Waa markii saddexaad uu guul kasoo hoyiy cayaarihii ka dhacay London , horrantii sannadkan wuxuu ahaa orodyahankii ku guulaystay oroddada Olimbikada.
Sannadkii 2003-dii Paul Tergat oo Kenya u dhashay ayaa isagana noqday orodyahankii ugu horreeyay ee ku ordda 2 saacadood iyo shan daqiiqo.
Sannadkii 2008-dii Haile Gebreselassie ayaa isagna ku ordday 2 saacadood iyo afar daqiiqo halka sannadkii 2104-kii uu ordyahan Kenya u dhashay uu isna qaatay 2 saacadood iyo 2 daqiiqo










