Haween qarka u saaran in Sacuudigu uu dil ku xukumo

Xigashada Sawirka, TWITTER/@ISRAAALGHOMGHAM
Waaxda dacwad soo oogidda guud ee Sucuudiga ayaa lagu soo warramay in ay u xusul duubayso sidii xukun dil ah loogu ridi lahaa shan dumar ah oo u dooda xuquuqul insaanka, kuwaasoo ay ku jirto gabadha xuquuqda haweenka difaacda ee lagu magacaabo Israa al-Ghomgham.
Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in dhawaan gabdhahaas ay mareen maxkamadeyn la xiriirta argagixisanimo oo ay ka mid tahay "ka qeyb galidda mudaharaadyo" ka dhacay gobolka Qatif.
Dibad baxyadaas ayaa waxaa dhigayay bulshada laga tirada badan yahay ee shiicada.
Ms Ghomgham ayaa la rumeysan yahay in ay noqon doonto haweeneydii ugu horreysay ee Suudiga u dhalatay ee wajahda xukun dil ah oo ay ku muteysatay howlaha la xiriira xuquuqda aadanaha.
HWR ayaa ka digtay in tallaabadaas ay halis u keeni karto haweenka kale ee hadda arrimahaas awgood ugu xiran xabsiyada boqortooyada ku taalla Khaliijka ee Sucuudiga.
Ugu yaraan 13 ruux oo isugu jira dadka difaaca xuquuqda aadanaha iyo kuwa u dooda xaqa dumarka ayaa la xiray tan iyo bartamihii bishii May, iyagoo lagu eedeynayo in ay ku xad gudbeen amniga qaranka.
Qaarkood ayaa la sii daayay balse kuwo kale ayaa wali xabsiga ku jira iyagoo aan wax dacwado ah lagu soo oogin.
HRW ayaa sheegtay in Ms Ghomgham ay ahayd haweeney aad loogu yaqaannay ka qeyb qaadashada iyo xog ka sameynta dibad baxyo waaweyn oo gobolka Qatif ka dhacayay tan iyo sannadkii 2011-kii.

Xigashada Sawirka, Reuters
Bulshada shiicada ah ayaa waddooyinka ku mudaharaadayay iyagoo ka cabanayay faquuq ay sheegeen in ay kala kulmaan dowladda ay sunniyiintu maamulaan.
Ms Ghomgham iyo seygeeda ayaa la soo sheegay in xabsiga loo taxaabay bishii December ee sannadkii 2015-kii, ayna ilaa markaas ku jiraan xabsiga al-Mabahith ee magaalada Dammam.
Urur u dooda xuquuqda dadka Sucuudiga oo uu fadhigiisu yahay magaalada London ayaa xukuumadda Riyaad ka codsaday in ay iska laasho dacwadda ka dhanka ah haweeneydaas.
Dowladda ayaan ilaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin go'aanka laga gaarayo dacwadda Ms Ghomgham.
Si kastaba ha ahaatee, maxkamadaha dalka Sucuudiga ayaa horay xukunno dilal ah ugu riday dad u doodi jiray xuquuqda bulshada Shiicada.
Hase ahaatee hay'adaha xuquuqul insaanka ayaa go'aannadaas ku micneeyay kuwo la siyaasadeeyay.
Saraakiisha dowladda ayaase dhankooda isku difaacay in dhammaan dadkaas lagu helay dambiyo ah in ay hub isticmaalayeen ayna khatar ku ahaayeen amniga dalkaas.










