Xujaajta Itoobiya oo ka cawday dhibaato ku haysata Maka

Goobta xujaajta la dajiyey oo cidhiidhi ah adeeggana uu u dhammeystirneen

Xigashada Sawirka, ABUBEKER ALEMU

Qoraalka sawirka, Goobta xujaajta la dajiyey oo cidhiidhi ah adeeggana uu u dhammeystirneen

Zeynu Shaafi wuxuu marki ugu horreysay xajiyey 14 sana ka hor. Isaga oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu markale uu soo xajiyo haddana wuxuu ka cabanayaa sida xujaajta loola dhaqmay.

Waxaan islahaa wax badan oo isbeddelay ayaad u tagi doontaa, balse wax isbeddela iska daayee wax walba waa ay ka sii dareen.

Addis Ababa markaan ka duulay oo aan gaaray magaalada Madina "waxaa dajiyey goob aan munaasab ahayn oo aad cidhiidhi ah una qalmin lacagti faraha badneyd ee la iga qaaday"

Laba maalmood markaan madiina joogay waxaan u sii gudbay magaalada Maka "anaga oo sidddeed qof ah ayaa hal qol oo cidhiidhi ah nala dajiyey"

Go'yaasha, barkimaha, furaashka, suuliga, cunnada naloo keeno midkoodna ku qancin maayaan, waaliddiinteyda aan xajka u waday xitaa waxaan ka baqayaa iney niyadda igu qabtaan, runti duca ayaan ka raadsanayey labadeyda waalid ee aan soo xajisiiyey balse hadda waxaan ka baqayaa inay i habaaraa dhibaatada ay la kulmeen darteed."

Waxaanna aad uga sii xumaadaa lacagta la iga qaaday si aan xajka u soo guto iyo adeegga la i siiyey oo aan iisu dhigmin.

Qofkiba waxaa laga qaaday $3000 oo doolar lacag ka badan balse wax aan ku qanacno meesha ma yaalliin.

Xujaaj Itoobiyaan ah oo raashiin loo qaybinayo

Xigashada Sawirka, ABUBEKER ALEMU

Qoraalka sawirka, Xujaaj Itoobiyaan ah oo raashiin loo qaybinayo

Qofka muslimka ah ee doonaya inuu booqdo beytka Alle waa inuu leeyahay awooddi dhaqaale uu waajibkaasi ku soo gudan lahaa. Dad aan yareyn oo reer Itoobiya ah ayaa sanad walba gudashada xajka ugu socdaala magaalada Maka iyaga oo ay qaarkood dhul beereedkooda ama xoolahooda ay iibiyaan si waajibka muu uga dhaco.

Muslimiinta Itoobiya oo ka mid ah dadka sanad walba u socdaala gudashada xajka ayaa waxay BBC-da u sheegeen iney dhan walba dhibaata ka haysato.

Dhibaatada ugu weyn oo ay xujaajta la kulmaan ayaa waxay ku sheegeen iney tahay cunna la'aan iyo hoy cidhiidhi ah oo la dajiyo.

Qaar ka mid ah Xujaajta waaliddiintooda oo waayeel ah iyo xaasaskooda ayaa la socda, taasoo dhibka ay la kulmaan ku sii badisay.

Sida sawirkan sare ka muuqata waa xujaajta dalka Itoobiya oo ay raashiin u qaybinayaan samafalayaal Sacuudiga u dhashay. Waxayna xujaajtu sheegayaan "inuu munaasabkooda uu sidan ahayn oo ay aad ugu xadgudbeen golaha arrimaha islaamka Itoobiya iyo ciddi kale ee ay quseyso marti gelinta xujaajta".

Xaaji Zeynu oo ka mid ah dadka Itoobiya ka soo xajiyey ayaa wuxuu sheegay "dhibaatadu iney haysato xujaaj badan oo nala mid ah haddana dhibku uu ku sii daran yahay dadka ka socda Itoobiya oo ay ugu wacan tahay maamul xumada golaha sare ee arrimaha Islaamka dalka Itoobiya."

Muslimiinta dalka Itoobiya waxay in mudda ahba ka cabanayeen boqollaal ka mid ah daaciyiinta iyo culamaa'u diinkana loo xidhxidhay golaha sare ee arrimaha Islaamka Itoobiya inuusan matali karin muslimiinta dalka ku nool oo lagu qayaaso 50 malyan.

Golaha hadda jirana uu yahay mid siyaasadeeysay oo uu soo magacaabay xisbiga talada haya ee EPRDF.

Iyaga oo dalbanayey iney soo doortaan gole cusub oo aqoon diineed iyo mid maamulba leh oo xquuqda muslimiinta Itoobiya ay leeyihiin soo dhicin kara.

Shirkadda diyaaradaha Itoobiya oo lagu qasbo iney xujaajta Itoobiya raacaan ayaa iyaduna qayb ka ah dhibaatada haysata xujaajta iyada oo airboorka caalamiga ee Bole aan xujaajta ugu diyaarinin goob ku filan oo ay ku sugaan xilliga duullimaadka, goob salaad lagu dukado iyo dadka tabarta daran caawimaadki ay u baahnaayeen oo ay helin.

BBC oo isku dayday iney la xidhiidho Golaha sare ee arrimaha islaamka Itoobiya iyo shirkadda diyaaradaha Itoobiya si ay cabashada xujaajta jawaab uga bixiyaan nooma suuragelin.