Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga.
Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka mid ah kuraasta Congress-ka ee gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka.
Guushan ayaa aad muhiim u ah, maadaama ay ka dhigayso qofka xisbigaasi ku matali doona doorashada guud ee dhacaysa bisha Novembar ee sanadkan.
Dhanka kale waxaa jira siyaasiyiin Soomaali ah oo ilaa iyo haatan ku horreeya codadka la tiriyay, kuwaas oo u tartamaya kuraasta deegmooyinka si ay u matalaan Xisbiga Dimuqraadiga.
Axmednuur Ugaas waa saxafi hore haatanna waxa uu ku nool magaalada Minneapolis,wuxuu khadka telefoonka ugu warramay weriyaha BBC-da Cabdifitaax Cagayare.