Orodyahan Bashiir Cabdi oo biladdii ugu horraysay u qaaday dalka Belgium-ka
Bashiir Cabdi oo ah orodyahan u orda dalka Belgium-ka ayaa ku guulaystay biladda Qalinka oo waxa uu galay kaalinta labaad ee tartanka Horyaalka Yurub ee Orodka ee 10-ka kun ee mitir.
Tartankan oo shalay ka dhacay magaalada Berliin ee dalka Jarmalka ayaa noqonayaa midkii ugu horreeyay ee uu orodyahan Bashiir billad ka soo hooyo.
Bashiir Cabdi waxa uu khadka taleefanka ee Berlin ugu warramay weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.