Xaaladda Jigjiga oo faraha ka baxday

Rabshadaha ka socda Jigjiga
Qoraalka sawirka, Rabshadaha ka socda Jigjiga

Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga waxay sheegayaan in jahawareer weyn uu ka taagan yahay magaalada, ka dib markii bililiqo iyo boob ay ka billowdeen magaalada.

Arrintaas ayaa timid ka dib markii saaka lagu waabariistay askar milateri ah oo xiray baarlamaanka iyo xarumo kale oo DDSI ay leedahay.

Ciidankaas ayaa markii dambe lug ku soo maray waddada weyn ee halbowlaha u ah Jigjiga, waxayna iska hor yimaadeen dadkii magaalada oocaraysan, kuwaas oo budhadh iyo dhagxaan ku bilaabay.

Goobjoogeyaal ayaa BBC u sheegay in askartu ay kala carartay, rabshadihii markaa ka dib billowdayna ay magaalada oo dhan ku fideen.

Waxay kaloo goob joogayaashaas sheegeen in la bartilmaameedsaday hantida dadka aan Soomaalida ahayn ee Jigjiga ku nool, kuwaasoo naftooda la baxsaday.

Boqolaal qof ayaa la sheegay in ay dhaawacyo ka soo gaareen boobka iyo rabshadaha ka socda Jigjiga, laakinse lama soo sheegin dhimasho.

Dhismayaal iyo hanti gubanaysa ayaa la soo sheegay.

Madaxweynaha DDSI Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa la sheegay inuu ku sugan xarun ay ciidanka Liyuu Boolisku leeyihiin.

Halkan ka daawo qaar ka mid ah sawirrada

Jahawareer ka taagan Magaalada Jigjiga
Qoraalka sawirka, Jahawareer ka taagan Magaalada Jigjiga
Koox dhallinyaro ah oo gaari saaran
Qoraalka sawirka, Koox dhallinyaro ah oo gaari saaran
Dad saaran guryo dushood
Qoraalka sawirka, Dad saaran guryo dushood
Dad waddo dhooban
Qoraalka sawirka, Dad waddo dhooban