Madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa shir kaga wada qeybgalaya Brassels

Shirka Brassels
Qoraalka sawirka, Shirka Brassels

Waxaa hadda si toos ah u furmay shirkii Golaha Iskaashiga Soomaalida ee Brussels, kaas oo looga hadlayo sidii gacan loo siin lahaa Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Cawad oo BBC-da la hadlay mar sii horeysay ayaa sheegay in shirka uu yahay mid lagu qiimeynayo horumarka dhinacyada kala duwan laga gaaray gudaha Soomaaliya.

Liis ay aragtay BBC-da oo ah dadka ka qeybgalaya ayaa waxa uu muujinayaa dad ka badan 70 qof oo xilal kala duwan ka haya Soomaaliya, ayna ka midyihiin dad ka socda hay'addaha gargaarka, iyo waliba ururada bulshada rayidka ah.

Ka bood Facebook boggan

Macluumaadkan lama heli karo

Faahfaahin ka eeg FacebookBBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda.

Dhammaadka Facebook boggan

Balse arrimaha xoogga la saarayo waxaa ka mid ah arrimaha amniga, hanaanka siyaasadda iyo doorashooyinka, iyo waliba dhaqaalaha.

Waxaa madasha jooga dhammaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, kuwaas oo hadal ku leh shirka sida ka muuqata jadwalka shirka oo ay BBC-du aragtay.

Madaxda Soomaalida iyo beesha caalamka ayaa ka wada qeybgalaya shirka
Qoraalka sawirka, Madaxda Soomaalida iyo beesha caalamka ayaa ka wada qeybgalaya shirka

Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa la safray waftiga madaxweynaha federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, halka madaxda kale ee gobolada ay siyaabo kala duwan oo iskood ah shirka ugu safrene.

Ergada shirka

Sida uu kusoo waramayo wariyaha BBC-da oo xarunta shirka ku sugan Moowliid Xaaji, waxaa shirka aad u jooga xubnaha beesha caalamka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ayaa xiri doona, isaga iyo la-guddoomiyeyaasha.