Sadiiq Khan oo ansixiyay Boombale la buufiyay oo loo ekeysiiyay 'Trump oo cunug ah'

.

Xigashada Sawirka, Andrew Aitchison

Duqa magaalada London Sadiq Khan ayaa ansixiyay qorshe la doonayo in lagu duuliyo London dusheeya boombale la buufiyay oo loo ekeeysiiyay Madaxweyne Maraykanka Donald Trump oo cunug ah.

Dadka sameeyay boombalaha ayaa sheegay in Trump uu yahay sidii ilmo kibir badan, oo sameeya waxyaabo la yaab leh.

Waxa ay doonayaan in ay magaalada London dul mariyaan buufinka, kaas oo ay kaga baxday lacag dhan £18,000.

Buufinka waxaa lagu shubay maadada helium, taas oo la dul marin doono magaalada London xiliga uu Trump booqashada ku tagayo magaaladaas.

Hoggaamiyaha xisbiga afkaarta adag ee UKIP Nigel Farage ayaa sheegay in buufintan ay tahay "aflagaadadii ugu weyneyd ee loo geysto madaxweyne Maraykan ah".

Buufinka waa 6 mitir dhererka

Xigashada Sawirka, Andy Aitchison

Qoraalka sawirka, Buufinka waa 6 mitir dhererka
London ayuu dul mari doonaa

Xigashada Sawirka, Jason Hawkes

Qoraalka sawirka, London ayuu dul mari doonaa

Muddo 2 saacadood ah ayuu dul haadi doonaa magaalada London 13-ka bisha July oo ku beegan xilliga booqashada Trump ee London.

Leo Murray oo fikradda soo curiyay ayaa sheegay in Trump uu necebyahay marka dadka ku maadsadaan.

Xafiiska duqa London ayaa ansixiyay qorshahan kadib markii ay u arkeen wax lagu maadsado.

Buufinta waxa uu dulmari doonaa dhismaha baarlamaanka

Xigashada Sawirka, Jason Hawkes

Qoraalka sawirka, Buufinta waxa uu dulmari doonaa dhismaha baarlamaanka

Wax ka badan 100 kun oo qof ayaa saxiixday codsi ah in buufinka loo ogolaado in hawada lagu siidaayo.

Horey Trump iyo Khan ayaa isku maagay baraha bulshada, iyada oo midba midka kale uu wax ka sheegay.

Balse dadka hawshan wada weli waxa ay u baahanyihiin in ay fasax ka helaan wakaaladda duulimaadka hawada, taas oo ay tahay in ansixiso wax kasta oo duulaya.

Intaas oo kaliya ma ahan, maadaa meesha uu baarlamaanka ku yaalo ay tahay meel waxyaabaha duula ka caaggan, waxa ay u baahanyihiin ogolaansho dheeraad ah , markan waa booliiska London.

Waxaa jira qorshe kale oo ah in buufinta la geeyo meelo kale oo adduunka ka mid ah, gaar ahaan meelaha uu Trump booqdo.