Nin ka tirsan Taalibaan oo ay maxakamad ku xukuntay inuu dambiile yahay

Khaalid Cali markay booliska qabanayeen

Xigashada Sawirka, Getty AFP

Qoraalka sawirka, Khaalid Cali markay booliska qabanayeen

Ninkan tuubbistaha ee u dhashay dalka Britain ayaa waxa lagu soo eedeyey inuu qorsheynayey weerar argagixiso inuu ka sameeyo Westminster iyo inuu ururka Taalibaan bambooyinka uu u sameeynayey.

Khaalid Cali oo 28 jir ah, ayaa waxay sheegeen booliska iney ku qabteen waddada baarlamanka isaga oo sitay sedex toorrey.

Dambi baaraha ayaa wuxuu sheegay Cali oo ka soo jeeda Edmenton ee waqooyiga London inuu qorsheynayey dilal ay dad badan ku hoobtaan oo ay u geystaan siyaasiyiinta iyo ciidamada booliska.

22-ka bisha April marka uu dhacay weerarki Westminister kaddib Cali waxay kaameerada CCTV ay qabatay isaga oo socda dhismaha laanta sirdoonka MI6, baarlamaanka iyo Whitehall.

Shan maalmood kaddib, hooyadii ayaa booliska soo wacday oo u sheegtay iney qolkiisa jiifka ay ku aragtay afar toori uu Cali dhigay.

Booliska ayaa waxay Cali ku qabteen waddada Downing maalin kaddib.

Cali wuxuu dhowr sana joogay Afqaanistaan, marki ay booliska weydeen sababta uu Britain ugu soo noqday in falal jihaad ah uu ka sameeyo, wuxuu Cali ku jawaabay, "Jihaadku waa waxa aynu qabaneyno, innaguna mujaahidiin ayaanu nahay".

Kaaliye ku xigeenka Booliska Dean Haydon ayaa wuxuu sheegay Cali "inuu yahay nin khatar aad u weyn keeni lahaa"

Khaalid Cali waxyaabaha qarxa ee lagu qabtay

Xigashada Sawirka, Met Police

Qoraalka sawirka, Khaalid Cali waxyaabaha qarxa ee lagu qabtay

Xilliga ay boolisku Cali su'aala ay ku baarayeen weydiinayeen Cali wuxuu qirtay in ka qayb galay dagaal lagu qaaday ciidamada Britain ee Afqaanistaan ku sugan, balse wuu ka gaabsaday inuu wax dilay iyo inkal.

Wuxuuna sida oo kale qirtay inuu qarxiyey 300 oo bam.

Maxkamadduna waxay dhageysatay qoraal laga aqriyey oo ku saabsan waxyaaba qarxa oo la qabtay in cali farahiisa laga helay, waxyaabahaasi qarxa oo ay ganacta ku soo dhageen 2012 ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afqaanistaan.