Wafdi ka socda Eritrea oo Addis Ababa soo gaaray

Xigashada Sawirka, Fitsum Arega twitter
Wafdiga ka socda dalka Eritrea oo ay hoggaaminayaan wasiirka arrimaha dibadda Cusmaan Saalax iyo la taliyaha madaxweynaha Yemane Gebre-ab ayaa soo gaadhay magaalada Addis Ababa.
Wafdigu marka ay ka soo dagayeen Addis Ababa waxaa soo dhaweeyey ra'isal wasaare Dr Abiy Ahmed, wasiirka arrimaha dibadda Warqineh Gabyew iyo ku xigeenka abaanduulaha ciidamada Jeneral Birhanu Jula.
Madaxweynaha Eritrea ayaa toddobaadka hore warbaahinta dowladda ka sheegay wafdi kala soo hadla Itoobiya xiriirka mustaqbalka labada dal ay yeelanayaan uu Addis Ababa uu u dirayo.
Afhayeen u hadlo wasaaradda arrimaha dibadda Meles Alem wuxuu isna jimcihi sheegay nabad ka dhex dhalato labada dal iney faa'ido weyn u leedahay labada dal iyo geeska Afrikaba.
Wafdiga Eritrea iyo madaxda Itoobiyana waxaa la filayaa iney wada diyaariyaan qorshaha wadahadalka nabadda labada dal ay ku socon lahaayeen.
Soo dhaweynta loo sameeyey wafdiga Eritreaee Addis Ababa yimidna sidan ayaa loo soo dhaweeyey.









