Ra’isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy oo gaaray Muqdisho

Xigashada Sawirka, AFP
Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka dagay Ra'isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed, waxaana garoonka loogu sameeyay soo dhaweyn heer sare ah.
Dr Abiy ayay u tahay markii koowaad oo uu Soomaaliya tago tan iyo intii uu la wareegay xilka ugu sareeya Itooobiya, warar aan helnayna waxa ay sheeganayaan in booqashadan ay ka dambaysay booqasho uu Itoobiya ku tagay Ra'isulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.
Ra'isulwasaaraha Itoobiya ayaa dhawaanahan wareegayay dalalka gobolka ku yaala ee dariska la ah, isaga oo tagay Jabuuti, Kenya, Suudaan iyo Masar.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay Dr Abiy oo ay la socdeen askar hubeysan.
Dr Abiy ayaa xirnaa dhar sufushaari ah oo ah kan ay siyaasiyiinta Soomaalida inta badan xirtaan, waxaana la socday wafti balaaran, isaga oo ubax ay qoorta u sureen hablo yaryar oo loosoo xirey dharka hiddaha iyo dhaqanka.
Roog cas ayaa loo fidiyay, isaga oo korey meel dhulka ka saraysa oo la surey calamada Itoobiya iyo Soomaaliya, halkaas oo uu la istaagay madaxweyne Farmaajo.

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Kooxda muusiga ee baambayda ayaa u garaacday heesta calanka Itoobiya, taas oo ka mid ah hab maamuuska.
Dhaqdhaqaaga garoonka Aadan Cadde ayaa caadi u muuqday, iyada oo la arkayay diyaarado ka haadaya garoonka, xilliga ay munaasabadda soo dhaweynta socotay.
Booqashada Dr Abiy ayaa imanaysa maalin kadib markii uu Addis Ababa ku qaabilay ninka leh dhaxalka boqortooyada Imaaraatka Carabta, halkaas oo ay ku wada saxiixdeen heshoosyo kala duwan.
Imaaraatka iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya muran dublamaasiyadeed oo ka biloowday heshiis shirkadda DP World ay la saxiixatay maamulka Somaliland. Heshiiskaas ayaa waxaa qeyb ka ah Itoobiya lafteeda oo 19% ku yeelatay saamiga dekada Berbera.











