Dagaalyahanno Islaamiyiin ah oo lagu xidhay dalka Mozambique

Xigashada Sawirka, AFP
Seddex dagaalyahan oo Islaamiyin ah ayaa lagu xiry gobolka Nampula oo dhaca waqooyiga dalkaasi Mozambique, kuwaasi oo loo qabtay dilal is xig-xigay oo gobolka ka dhacay tan iyo bishii October, waxaa sidaasi sheegay wasiirka arrimaha gudaha Basilio Monteiro.
Wasiirka ayaa warbixntaan sheegay mar uu maalintii axadda ahayd uu booqday gobolka Cabo Delgado si uu u xaqiijiyo in ciidamo dheerad la geeyo gobolka si loo soo afjaro weeraradaasi.
In kabadan 30 qof ayaa la dilay, guryo 200 gaarayana waxaa gubay ururada xag jir ka ah tan Octobar-tii la soo dhafay.
Weerarkii ugu dambeeyay ee dhacay qamiistii la soo dhaafay waxaa tuulada Cabo Delgado lagu dilay toddobo qof.
Askarta ayaa dadka tuulada deggan ka caawinaysay dib u dhiska guryaha ay gubeen dagaalyahanada.






