Mareykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay shirkado Ruush ah

Putin iyo Tramp

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Putin iyo Tramp

Waaxda maaliyada Mareykanka ayaa cunaqabatayno dheeraad ah ku soo rogtay 5 shirkadood oo Ruush ah.

Waxaa sidoo kale cunaqabatayn lagu soo rogay saddex shaqsi oo Ruushka u dhashay.

Waxaa shaqsiyaadkan iyo shirkadaha lagu eedeeyay in ay gacan ka gaysteen weerarkii dhanka kumputarka ee ay gaystay waaxda sirdoonka Ruushka.

Saddexda shaqsi ee cunaqabataynta ay la bartilmaameedsatay waaxda kayd haynta Mareykanka ayaa kala ah Aleksandr Tribun, Oleg Chirikov iyo Vladimir Kaganskiy .

Shaqsiyaadkan ayaa la sheegay in ay xiriir la leeyihiin shirkadda sida la sheegay ku taqasustay weerarada dhanka Kumputarka ee lagu magacaabo Divetechnoservices,.

Bishii April,ayay ahayd markii ay dowladda Mareykanka ay cunaqabatayn tan la mid ah ku soo rogtay shirkado iyo shaqsiyaad.

Hantida shaqsiyaadkani ee Maareykanka taalla ayaa sido kale la xannibay.

Mareykanka ayaa cunaqabatayno ku soo rogayay shaqsiyaad iyo shirkado Ruush ah tan iyo intii ay soo baxday eedeeynta ku saabsan in ay faragaliyeen doorashadii Mareykanka.