Soomaaliya: Shir looga arrinsanayo amniga oo ka furmaya magaalada Baydhabo

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA
Magaalada Baydhabo ee xarunta maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa maanta galinka dambe lagu wadaa in uu ka furmo shirka golaha amniga qaranka Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxada maamul goboleedyada Soomaaliya iyo dowladda dhexe ee federaalka.
Shirku wuxuu daba socdaa dhowr shir oo xilli sii horeysay ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaasi oo looga hadlayay arrimo ay ka mid ahaayeen dhismaha ciidamada qaran ee Soomaaliya iyo maalgelintooda.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo ra'iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu soo waramayaa in ay gaareen magaalada Baydhabo halkaasi oo ay uga qeyb galayaan shirka.
Inta badan madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirkaan ayaa waxa ay gaareen halkaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu shirkaasi si rasmi ah u furo, waxaana uu socon doona shirku labo maalmood.
Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, waxaana magaaladaasi ku wajahan madaxda Jubbaland iyo Hirshabelle si ay uga qeybgalaan shirka..
Kullankan ka furmaya magaalada Baydhabo ayaa waxaa la filayaa in diirrada lagu saaro qodobo dhowr ah kuwaasi oo uu amnigu ugu muhiimsan yahay.
Guud ahaan Soomaaliya ayaa waxaa ka jiro caqabado dhanka amniga ah.











