''Dhulka oo aan ka maqnaa shan bilood ayaan hadda ku soo laabtay''
Saddex kamid ah shaqaalaha waaxda cirbixiyeennada adduunka ayaa si nabddoon kusoo laabtay kaddib markii ay hawada sare ugu maqnaayeen howlgal qaatay muddo shan bilood ah.

Xigashada Sawirka, AFP
Anton Shkaplerovoo oo ah cirbixiyeen Ruushka u dhashay ah, Scott Tingle oo ka soo jeeda Mareykanka iyo Norishige Kanai oo isagana reer Japan ah ayaa ka degay dalka Kazakhstan, waxayna isticmaalayeen qalab baarashuud ah oo leh midabo gaduud iyo casaan ah.

Xigashada Sawirka, AFP
Sawirro ay soo qaaday waaxda cirbixiyeenada Ruushka ayaa muujinaya diyaaradaha qumaatiga u kaca oo dul wareeganaya baarashuutka cirbixiyeenada marka uu caga dhiganayay halkaasi, xilli ay saacaddu ku beegnayd wakhtiga dalkaasi 18:39.

Xigashada Sawirka, Reuters
Anton Shkaplerov, oo ahaa qofkii ugu horreeyay ee laga soo bixiyo ayaa yiri " waxaan samaynay isku day wanaagsan , waan ku faraxsanahay waxa inoo hergalay, sidoo kale waxaan ku faraxsanahay in si nabad ah dhulka uga soo laabto, waxaan sidoo kale ku faraxsanahay cadceedda jirta hadda".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Scott Tingle ayaa isagana noqday qofkii labaada ee kor loo qaado isagoo faraxsan oo dhoola caddaynaya.

Xigashada Sawirka, AFP

Xigashada Sawirka, Reuters
Dhammmaantood saddexda cirbixiyeen, waxay ku fadhiyeen kuraas iyagoo lagu huwiyay busto ay ka muuqata farxadda ah inay dib ugu soo laabten dhulka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cirbixiyeenada kala ah Tingle iyo Kanai ayaa u safri doona caasimadda Kazakhistan ee Karaganda ka hor inta aysan u sii safrin magaalada Houston ee gobolkaTexas ee dalka Mareykanka.
Shkaplerov wuxuu isagana dib ugu laabanayaa magaalada Moscow isagoo wata kubadda lagu cayaarayo koobka adduunka ee dalkaasi ka dhacaya.
Sawirro ay soo bandhigeen waaxda Cirbixiyeenada adduunka ayaa muujinaya Shkaplerov iyo saaxibadiisa kale oo tijaabinaya kubadda.
Saddexda nin waxay ka shaqaynayeen tijaabooyin dhowr oo Sayniska ah intii ay ku guda jireen socdaalka hawada sare.










