Oday 83 jir ah oo nooga warramay isbeddelka dhaqan ee ku yimid Soomaalida
Dadka Soomaalida ah ayaa leh dhaqan iyo hiddo soo jireen ah oo ay caan ku ahaayeen muddo dheer, hasayeeshee waxaa la sheegayaa in haatan uu isbadel ku yimid dhaqamadaasi.
Haddaba farqi intee la eg ayaa u dhaxeeya dhaqankii hore ee Soomaalida iyo midka haatan jira? Hadduuse jiro isbadalo noocee ah ayaa ku yimid?
Mursal Faarax Aaden, waa 83 jir wax badan u soo joogay, waxa uu isbarbardhig ku samaynayaa dhaqanka maanta iyo kii hore ee xiligii reer guuraaga la ahaa.
Mursal waxa uu magaalada Godey ugu warramay weriyaha BBC ee Jigjiga, Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam, oo dhawaan halkaasi safar shaqo ku tegay.