Xiisad ka taagan Qaza xilli la aasayo dadkii ku dhintay rabshadaha

Xigashada Sawirka, Reuters
Waxaa magaalada qaza maanta lagu qabtay aas loo samayay 58 qof oo Isniintii dhintay ka dib markii ay ciidamada Israa'iil ku fureen rasaas dibadbaxayaal Falastiiniyiin ah.
Waa dhimashadii ugu badnayd oo halkaasi ka dhacda tan iyo dagaalkii 2014.
Aaska loo samaynayo dadkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo la xusayo 70 guuradii ka soo wareegtay waxa ay Falastiiniyiinta ugu yeeraan Nakba - oo ah markii ay tiradii ugu badnayd ee Falastiiniyiinta qaxaan ka dib markii la abuuray dal ay Israa'iil leedahay.
Militariga Israa'iil ayaa waxay sheegeen in ay isu diyaarinayaan iska hor imaadyo dheeraad ah maanta oo Talaado ah.
Ra'iisulwasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in milatarigiisu ay iska difaacayeen Xamaas oo jihaaddoon ah oo uu ku sheegay in ay doonayaan in ay burburiyaan Israa'iil.
Hogaamiyaha Falastiin ayaa cambaareeyay kuna tilmaamay "xasuuq". Qaramada Midoobayna waxay sheegtay "in uu dhacay xadgud laga caroodo oo xuquuqda aadanaha ka dhan ah".
Falastiiniyiinta ayaa muddo todobaadyo ah dibadbaxayay hasayeeshee dhimashada ayaa sare u kacday maalinta uu Mareykanka safaaradda ka furtay magaalada Qudus.
Rabshadahani ayaa imaanaya xilli magaalada Qudus maanta uu Mareykanka safaarad ka furanaya taaso ka caraysiiyay shacabka Falastiiniyiinta.
Ururka Xamaas ee ka talliya marinka Qaza ayaa waday dibadbaxyo ay ugu magac dareen 'dibadbaxyadii soo celinta' kaaso socday muddo lix toddobaad ah.










