Malaga yaaba inay Iiraan guul ka gaarto doorashada Ciraaq

Xigashada Sawirka, JEREMY BOWEN
Xafladda xilliga gu'a ayaa toddobaadkani ka dhacaysaa magaalada Mowsil markii ugu horreysay illa sanadkii 2003-dii oo ahayd markii dagaalkii u horkacayay Mareykanka lagu afgembiyay hoggaamiyihii Ciraaq Saddaam Xuseen.
Qabanqaabiyaasha xafladdani waxay sheegeen inay ka dhigantahay astaanta dib u curashada caasimmadda labaad ee Ciraaq.
Magaalada Mowsil waxaa weli ka muqdaa saamaynta dagaalladii sanadkii hore ee magaalada ka dhacay halkaaso ay ku dagaallameen kooxda isu magaacwday dowladda Islaamka iyo ciidammada Ciraaq.
Waxay u muuqata in xafladda xilliga gu'a ay tahay mid guul ah. Ardeyda iskuulada oo ku labisan dhar midabo kala duwan leh ayaa waddooyinka lasoo dhoobay kuwaaso matalaad ka bixinaya masaajidkii ay kooxda IS burburiyeen ee Al-Nuur halka dhalinyaro sita calanka Ciraaq ay halkaasi daadsan yihiin.
Gabdhaha yar ee reer Ciraaq ayaa u labisan doona sida aroosad halka wiilashana ay ku labisan doonaan dharka ciidanka, waxayna iska dhigayaan ciidan dhab ah oo dagaal kula jiro kooxda IS.
Xafaladdani waxay noqonaysaa dib u dhalashada Mowsil iyo guud ahaan dalka Ciraaq. weli dagaalamayaal ka tirsan kooxda IS ayaa dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka gaystaa gudaha dalkaasi.

Xigashada Sawirka, JEREMY BOWEN
Dadweynaha reer Ciraaq ayaa u dareeray goobaha codbixinta Sabtidii aanu soo dhaafnay, waxaana la filaya dhawaan in shaaca laga qaado cidda guusha ka gaartay doorashada dalkaasi.
Qofka noqdo Ra'iisul wasaare wuxuu la kulmi doonaa caqabado kuwaaso ay kamid yihiin hoowlaha dib u dhiska dalkaasi iyo midaynta shacabka ay dagaallada kala qaybiyeen.
Waxaa la doonaya in doorashada ka dhacday Ciraaq ay kusoo baxaan dhamman dhinacyada dalkaasi oo uu hareeyay dagaal ku salaysan madhab.
Dadweynaha ayaa u kala codeeyay dhammaan musharraxiinta u taagan jagada Ra'iisul wasaare, musharraxiintan ayaa kasoo kala jeeda shiicada iyo sunniyiinta inkastoo Kurddiyiinta ay musharraxiin u gaar ah ay jireen.

Xigashada Sawirka, JEREMY BOWEN
Saddexda musharrax ee ugu cad cad doorashada Ra'iisul wasaare dhammaantood waa Shiico.
Ra'iisul wasaaraha hadda xilka haya ee Ciraaq Xayddar Al-Cabbaadi ayaa loolan adag kala kulmaya taliye sare oo horaan ka tirsanaa militariga oo lagu magacaabo Hadi al-Amiri kaaso hoggaaminaya xisbiga Fatax.
Xisbiga Fatax ayaa si wayn looga taageeraa deegannada ay ku xoogan yihiin shiicada.

Xigashada Sawirka, JEREMY BOWEN
Amiri iyo xisbiggiisa Fatax waxay rumaysan yihiin in dadweynaha reer Ciraaq ay u bogeen dadaalladii ay kooxda Xashda la galeen dowladda Islaamka.
Xisbiga saddexaad waxaa hoggaamiya Ra'iisul wasaarihii hore ee Ciraaq Nuuri Al Maliki kaaso xilka laga qaaday sanadkii 2014-kii kaddib markii kooxda IS ay duullan ku qabsadeen dhul badan oo Ciraaq ka tirsan.
Nuuri Al Maalikii waxaa lagu eedeeyay in maamulkiisa uu gacan-bidxeeyay Sunniyiinta taaso horseeday inay taageeraan kooxda IS waaggaasi.
Doorashadani waxay saamayn wanaagsan ku reebi karta xaaladda uu dalkaasi ku jiro.
Haddii uu mar labaad uu doorashadan ku guulaysta ra'iisul wasaare Xayddar Al-Cabbaaddi waxaa la filaya inuu isku keeno shacabka ku kala qaybsamay madaahibta.










