Maxay saxaafaddu ka fileysaa Ra'isal wasaaraha cusub ee Itoobiya?

Xigashada Sawirka, MARCO LONGARI
Maalinta xorriyadda saxaafadda aduunka marka laga xusayo Itoobiya waxaan marwalba la iska indha tiri karin isbeddel la'aanta dhinaca saxaafadda ee dalka Itoobiya.
Dadka u dooda xuquuqda wariyeyaasha waxay Itoobiya ka mid dhigaan waddamada ugu liita la dhaqanka wariyeyaasha.
Laakiin sanadkan wariyeyaashi xabsiyada ku jiray oo la sii daayey iyo hadallo xorriyadda saxaafadda ku saabsan oo ka soo yeedhay Ra'isal wasaaraha cusub waxay rajo aad u weyn gelisay saxaafadda dalka.
Firew Abebe waa diyaariyaha wargeyska 'Sandaq' oo ka mid ah wargeysyada fara ku tiriska ee dalka ka soo baxa.
26-ki sana ee ugu dambeeyey iftiinka saxaafadda ee dalka ka soo billowday wuxuu noqday mid damay haatanna wuxuu gaaray 'heer laga naxo'.
Waddanka Itoobiya oo ay ku nool yihiin dad ka badan 100 malyan waxaa ka soo baxa 3 wargeys oo afka Amxaariga lagu qoro.
Befeqadu Moreda mudda 15 sana ah wuxuu diyaariye ka soo ahaa wargeyska 'Tomar'.
Wuxuuna sheegayaa xilliyadi ay howlaha wargeyska billaabayeen caqabada aad u badan ayaa hortaagnaa balse maadaamaa aan shaqadu jecleyn waan u dhabar adeegnay inaga oo isku dayeynay inaan runta wax ka qorno.
"Xabsibaan ka daalay, fuley ayaan noqday, dalkeyga markaan ka cararayna kiisas cusub ayaa la igu soo oogay anoo dibadda jooga, xabsi iyo dacwad wax aan ka faa'idayo maadaamaa ay jirin qax ayaan ka door biday".
Wariyeyaashu lafahooda dibadaha ula cararay oo isku dayay iney howlahoodi wariyenimada ay ka sii wataan bogag kala duwan, wariye walba isaga oo dalka ka maqan ayaa dacwad kale lagu billabay runti waa wax lala yaabo ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, ZACHARIAS ABUBEKER
Hoggaamiyaha cusub ee Itoobiya?
Hoggaamiyaha cusub ee dhawaan xilka Ra'isal wasaaranimada dalka Itoobiya qabtay Dr.Abiy Axmed si ka duwan madaxdi ka horreysay wuxuu marar badan sheegay inuu doonayo inuu isbeddel ballaadhan uu dalku ka sameeyo.
Firew Abebe wuxuu leeyahay khudabadaha Ra'isal wasaaraha cusub uu ku sheegay inuu doonayo xorriyadda saxaafadd inuu wax weyn ka beddelo.
Isaga oo baaqna u jeediyey wariyeyaasha dalka u dhashay ee sababa kala duwan uga cararay dalkooda hooyo iney dib ugu soo noqdaan iyada oo aan wax shuruud ah lagu xireynin.
Marka haddii uu Ra'isal wasaaraha uu hadalkiisa ka dhabeeyo waxaan noqonayaa qofka ugu horreeya ee dalkiisa ku soo laabto wargeyskiisana dib u billaabo.
Masfin ayaa wuxuu isna leeyahay "dal ku soo noqoshada ma ahan mid sahlan" haddii ay xaaladdu sidan iska beddesho jawiguna uu noqdo mid kuugu dhiirragelinaya ma aaminsani iney jireyso cid soo noqoshada ka labalabeyneyso.
Hadalka Ra'isal wasaaraha haddii uu ficil ku daro rajada iyo farxadda ay ku abuurtay dad badan oo ila mid ah waxay albaab cusub u fureysaa saxaafadda dalka Itoobiya ee sii dhimaneysay iney dib u soo noolaato.










