Ciidammada Maraykanka oon dhayil ku dhaafi doonin ciidda Kuuriyada Koonfureed

Xigashada Sawirka, AFP
Dawladda Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in ciidammada Maraykanka ee dalkooda ku sugan ay sii joogi doonaan, xataa haddii ay galaan heshiis si buuxda loogu soo afjaro colaadda kala dhaxaysa Kuuriyada Waqooyi.
Ciidammo lagu qiyaasay 29,000 oo askarta Maraykanka ah ayaa ku sugan Kuuriyada Koonfureed, waxayna qayb ka yihiin heshiis la gaaray markii uu dagaalku dhammaaday 1953.
Kuuriyada Waqooyi ayaa horay u sheegtay in ay ka tanaasulayso hubkeeda nukliyeerka ah waxayse shuruud ka dhigtay in ciidammada Maraykanku ay ka baxaan gacanka Kuuriya.
Laakiin afhayeen u hadlay dawladda Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in joogitaankoodu "uusan shuqul ku lahayn sixiixidda heshiis nabadeed".
"Ciidammada Maraykanka ee ku sugan Kuuriyada Koonfureed waa mawduuc ku saabsan xulafanimada Kuuriyada Koonfureed iyo dalka Maraykanka", ayuu yiri Kim Eui-kyeom oo u hadlay madaxweyne Moon Jae-in.

Xigashada Sawirka, AFP
Kulankii ay Jimcihii yeesheen Moon iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayay labada masuul ku heshiiyeen in ay ka wada shaqeeyaan sidii nukliyeerka looga ciribtiri lahaa gacanka Kuuriya iyo in la sixiixo heshiis si rasmi ah loogu soo afjarayo dagaalkii dhexmaray labada Kuuriya.
Dagaalka labada dal ayaa dhammaaday 1953 ka dib markii ay isku afgarteen in hubka la dhigo, farsamo ahaanna waxay ka dhigan tahay in xaaladdii dagaalku ay wali taagan tahay.






