Yuhuudda Jarmalka oo loogu baaqay in aysan xiran astaantooda

Xigashada Sawirka, EPA
Hogaamiyaha bulshada Yuhuudda ah ee dalka Jarmalka ayaa Yuhuudda ugu baaqay in ay iska ilaaliyaan xirashada koofiyadda dhaqanka u ah ee ay dhakada saartaan, arrintaas oo dabo socota weerarrada Yuhuud nacaybka ah ee dhacay.
Josef Schuster oo ah madaxweynaha Central Council of Jews ee dalka Jarmalka, ayaa Idaacadda dawladda ee Baarliin u sheegay in taxaddar looga baahan yahay Yuhuudda ku nool magaalooyinka waawayn.
Haddalkiisan ayaa yimid ka hor isu soo baxa caasimada Jarmalka lagu qabanayo Arbacada ee loo bixiyay "Baarliin waxay xiran tahay koofiyadda Yuhuudda" taas oo taageero loogu muujinayo dadka adeegsada.
Toddobaaadkii horana waxaa la weeraray labo nin oo da'yar oo koofiyaddaas ku qaba caasimadda.
Dadka weerarka gaystay ayaa muuqaal laga duubay iyaga oo ku dhawaaqaya haddallo Yuhuud nacayb ah.
Bulshada Yuhuudda ah ee Jarmalka ku nool ayaa dareen ka muujisay tirada tacadiyada ka dhanka ah Yuhuudda iyo hanjabaadaha iskuuladada ku soo wajahay.
Axaddiina Angela Merkel ayaa cambaaraysay wax ay ugu yeertay "qaab kale oo Yuhuud nacayb ah".
Telefeshinka Channel 10 TV ayay u sheegtay in marka laga soo tago yuhuud nacaybka qolyaha garabka midig, in halis taas la mid ahna ay ka imaanayso qaar ka mid ah Muslimiinta qaxootiga ah ee Jermalka ku nool.










