Hogaamiyeyaasha labada Kuuriya oo lagu wado inay telefoon ku wada hadlaaan

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xiriir dhanka teleefoonka ah ayaa lagu wadaa in uu dhexmaro hoggaamiyeyaasha dalalka waqooyiga iyo koonfurta Kuuriya, xiriirkaas oo noqonaya kii ugu horreeyey oo toos ah oo dhexmara labada xafiis siyaasadeed ee Seoul iyo Pyongyang.

Waxaa la filayaa in xiriirkani uu dhexmaro hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi, Kim Jong Un iyo dhiggiisa Koonfureed, Moon Jae-in, si ay uga wada hadlaan kulanka la qorshaynayo in uu dhaco 27-ka bishaan April.

Qoraalka Muuqaalka, Muqaalka cajiibka ah ee askariga baxsanaya Kuuriyada Waqooyi

Mr Moon ayaa sheegaya in dadka kuuriyada waqooyi ay muujinayaan in ay diyaar u yihiin in ay gebi ahaanba joojiyaan hubka Nuclear-ka ayagoon dalbanayn in marka hore ay ciidamada Maraykanku ka baxaan Kuuriyada Koonfureed.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi Ri Yong-ho ayaa Sweden booqday sannadkan horraantiisii, waana goobta ay macquulka tahay in uu wadahalkaasi ka dhaco. Waxaa si wayn looga soo qaaday in uu qabanqaabinayo kullankaas.