Waraysi: Golaha saxaafadda Puntland

Qoraalka Codka, Xubnaha golaha qaarkood

Magaalada Garowe ayaa waxaa looga dhawaaqay golaha saxaafadda Puntland oo ka kooban 7 xubnood oo mid ka mid ah ay gabar tahay.

Xubnahan ayaa waxaa guddoomiye u ah Nuur Shire Cismaan oo ah ruug caddaa saxaafadeed.

Hawlahooda ugu muhiimsan ayaa noqon doona inay xoogga saaraan wax ka qabashada khaladaadka ka dhaca warbaahinta, iyo dhanka kale in aan suxufiyiinta iyo saxaafadda si fudud loogu xadgudbin.

Maxamed Daahir waa guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP oo golahana wakiil ku leh. Wariye Axmed Cawil ayuu u faahfaahiyey shaqada guddiga saxaafadda.