Dhaqtarkii qaliinka sida qaldan madaxa uga sameeyay qof oo shaqada ku laabtay

.

Xigashada Sawirka, AFP

Illaa afar shaqaale caafimaad oo uu ka mid yahay dhaqtarkii qaliin madaxa kaga sameeyay qof aanan u baahnayd qaliinkaas bishii hore ayaa ku laabtay shaqadoodii Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Isbitaalka Kenyatta ayaa shaqadii ka fariisiiyay dhaqtar tabobar ku jiray oo qaliinka sameeyay, labo kalkaaliso iyo qofkii dawada suuxinta ku durey bukaanka. Dadkan ayaa qaliin madaxa kaga sameeyay qof aan ahayn kii u baahnaa qaliinaka 19-kii bishii April ee sanadkan.

Isbitaalka waxa uu sheegay in baaritaanka arrinta ay ku wareejinayaan Ururka xirfadlayaasha caafimaadka Kenya ee KMPDB, kuwaas oo soo sheegi doona waxa laga yeelayo shaqaalahan caafimaad.

"Go'aanka waxaa la qaatay kadib markii guddiga bundhigeyaasha ay shir la galeen wasiirka caafimaadka Sicilly Kariuki iyo ururka xirfadlayaasha caafimaadka" ayaa lagu yiri war lagu qoray wargeyska Daily Nation.

Dad siyaasiyiin ah ayaa ka carrooday shaqaalaha caafimaadka ee shaqada laga joojiyay, waxaana jira xildhibaano saxiixay mooshin ay ku dalbanayaan in wasiirka caafimaadka ay baarlamaanka hor timaado, waxayna doonayaan in ay xilka ka xayuubiyaan.