Maxay tahay sababta isbadalka cimilada ay u saameyso dumarka in ka badan ragga?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haweenka ayay saamayn ka badan midda rag ay ku yeelataa isbadalka cimilada, sida ku cad daraasad la soo saaray.
Tirada ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa muujinaysa in 80% dadka ku barakacay isbadalka cimilada ay haween yihiin.
Doorkooda asaasiga ah ee ku aadan xirfadooda quudinta ayaa ka dhigtay kuwa u nugul marka ay abaaraha iyo fatahaadaha ay dhacaan.
Heshiiskii isbadalka cimilada ee Paris ayaa waxa ku jiray qodob gaar ah oo ku aadan sare u qaadida haweenka , iyada oo la ogaaday in ay yihiin cidda ay sida ba'an u saamaysay.
Bartamaha Afrika oo dhawaan Harada Chad 90% ay gurtay ayaa waxa ay halista ugu badan ku yeelatay dadka reer miiga ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iyada oo Harada ay gurtay ayaa waxa ay haweenka ku qasbanaadeen in ay meel dhaadheer u lugeeyaan oo ay biyo u raadiyaan.
"Xilliga jiilaalka ragga waxa ay aadaan magaalooyiinka... taasi oo ka dhigtay in haweenka ay dhowraan daryeelka bulshada," waxaa sidaasi sheegay Hindou Oumarou Ibrahim, oo ah isku dubaridaha hay'ad arrimaha haweenka ka shaqaysa dalka Chad.
Ibrahim ayaa taxanaha 100 dumar ee BBC u sheegay in iyada oo abaarta ay daba dheeraatay in haweenka ay aad us haqaynayaan si ay u quudiyaan oo ay u daryeelaan qoysaskooda iyaga oo aan wax taageero ah helin..
Dhibaato caalami ah
Ma aha oo kali ah haweenka ku nool meelaha magaalooyiinka ka fogfog cidda ay saamayn ku yeelatay arrintan , balse guud ahaan caalamka haweenka ayay u badan tahay in ay saamayso saboolnimada, waxa ayna leeyihiin awood ka yar mida ragga marka ay timaado dhaqaalaha iyo bulsha ahaan.
Waxa ay arrintan haweenka ka dhigtay kuwa ay ku adagtahay in ay ka soo kabtaan musiibooyiinka saameeya kaabayaasha dhaqaalaha , shaqooyiinka iyo guriyaynta.
Ka dib duufaantii Hurricane Katrina ee 2005, Haweenka madowga ah ee Mareykanka ayaa ka mid ahaa dadka saamaynta ugu ba'an ay ku yeesheen fatahaadii ku dhuftay Louisiana.










